DAREENNO LA XIDHIIDHA SAAMIQAYBSI OO ISU BEDDELAY SAAMIDHIMIS REER AWDAL LAGAGA QAADAY XILAL KALA DUWAN.BY MAXAMED JEEX
BRUSSELS GABILEYNEWSONLINE.COM qaybo ka mid ah QURBA JOOGTA IYO QOLQOL JOOGTA KA SOO JEEDA DIBADA IYO GUDAHA gobolada Awdal iyo Selel ayaa waxa toddobaadkan oo dhan laga hadal hayey isbeddello ama isku shaandhayn lagu sameeyey hawlwadeenn ciidamada kala duwan iyo qaar ka mid ah wasaaradaha ka hawlgala labadaa gobol iyo meelo kaleba kuwaasoo meeshana lagaga saaray masuulyiin iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda G/awdal iyo Selel halkoodiina lagu buuxiyey kuwa kasoo jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliland .
,Guuxa ka dhashay isku shaandhaymahan ayaa soo baxay wiig kaddib markii reer awdal waayeen mid ka mid ah laba taliye qaybeed Booliska ah oo xil ka hayey booliska g/awdal iyo Sool kanasoo wada jeeda gobolka Awdal la isku beddelay midkoodna meesha ka baxay ,halka labadii maalmood ee u dambaysayna la hadal hayo isku shaandhayn kale oo meesha ka saartay taliyihii ciidanka badda ee xeebaha galbeedka ,magaciisana la yidhaa Harruun siciid Cali ,laguna beddelay taliye kasoo jeeda gobolada dhexe ee dalka.
Marka laga yimaadda labadaa taliye ciidan ,isla markaana lagu daro sida badi laamaha wasaaradda maaliyadda ee magaalooyinka Saylac iyo Lawyacaddo anay uga muuqan dadweynaha kasoo jeeda goboladaasi ,ayaad dhinaca kale waxad mooddaa in arrimahani soo cusboonaysiiyeen dareenno caloolxumo xambaarsan oo mar kale dadweynaha lagu xusuusinayo in saamiqaybsigii ay salaadiintu u gudbiyeen xukuumaddu haatan quus yahay ,arrintuna isu bedeshay saamidhimis xilal kale lagaga qaadayodadweynaha gobolada awdal iyo Selel.
Qaar ka mid ah odaydhaqameedyada gobolka oo ku sugan magaalada Boorama ,kana cudurdaartay in la magacaaboa, ayaa ii sheegay inay arrimahani dhawaan ka hadli doonaan warbaahintana ka sheegi doonaan sida wax ku socdaan balse haatan anay ka hadlaynin.
ALLAA MAHAD LEH
XAFIISKA BRUSSELS EE GABILEYNEWSONLINE.COM
BY MAXAMED JEEX