Dawladaha hoose ee somaliland (local goverment planing engineering )qaybaha dhul bixintu wey ku guuldareysteen iney si fiican wax u dhigaan.By maxamed jeex
Dawladaha hoose ee somaliland waxay qaybka yihiin wadooyin xumada dalkeena haysata cidhiidhiga magaalooyinkeena waxaa soo dhan waxaa ka masuul ah dawlada hoose qaybta dhul bixinta dalka somaliland.
Waa iney masuuliyad adag iska saaraan naqshadaha daaraha dalkeena lana joojiyaa wadooyinka la jarjaraayo ee guryaha laga dhax dhisaayo lana doorbido bilicda baaxada balaadhan leh ee magaalooyinkeena si ay cid waliba u maal gashato lana helo meelo ganacsi oo waaweyn oo kala duwan lagana abuurikaro dhaqaale aad u wanaagsan oo la jaanqaadi kara ka aduunyada.
In dhaqaale loo sameeyaana waxay ku xidhantahay in la helo dhul banaan oo la maal gashankaro,si bulshadu ay kor ugu kacdo dhaqaalaheedu ama loo helo shirkado caalamiya oo maal gashada dalkeena.
Haddiise lawada arko magaalooyin isku raran ah oo wadooyin koodu iyo guryahoodu ay isku dhax daadsan yihiin cidina ku soo dhiiran mayso oo lacag galinmayso dhul aan lahayn meel wanaagsan qofna marabo oo galinmaayo lacagtiisa.
Hadaba xukumada ,dawladaha hoose iyo shacabkaba waa inaan iska kaashanaa si loo hagaajiyo bilicda wadooyinkeena iyo magaalooyinkeena si dadka dhaqaalaha gashanaayi inoogu soo hiigtaan.
Allaa mahad leh
Maxamed jeex
Brissels.
Dalka belgium.