Published:

 

adminHargeysa(GNO) dhibaato xoog ah ayaa ka taagan bixinta Liisamada Dirawalada oo labadii bilood ee ugu danbeeyey ka go’ay shirkaddii la siiyey inay daabacdo, taasoo lacag badan ku qaadata mashruucaas oo loo xidhay.

Lama garanayo sababta keentay inay Liisamadu kala go’aan, hase yeeshee Dirawalo badan oo loo soo qoray inay u doontaan ayaa hoganaya xarunta liisamada laga bixiyo, waxaana maalin walba lagu sabaaleeyaa inay imanayaan, balse waxay soo gaadhay xilli ay xamili kari waayaan inay u dul-qaataan balamaha aan fulayn ee shirkaddu la hor taagan tahay.

Dirawalo badan oo muddo naawilayey inay helaan liisamada ayaa cabasho xoogan ka muujiyey arrintan, waxaanay caqabad ku keentay inay shaqo tagaan, maadaama aanay Liisan la’aan mari karayn jidadka qaarkood, gaar ahaan xiliga ololayaasha cashuur ururinta gaadiidku socoto.

Wasaaradda ay khusayso arrintan iyo shirkadda la siiyey toona kama hadlaan dhacdadan ku keentay liisamadu inay kala go’aan, mana ah markii ugu horaysay ee ay sidan oo kale u dhacdo dirawalada Liisamada goosanaya, hase yeeshee waxa marar badan dhacday inay muddo kala go’naadaan qalabka lagu sameey Liisamaddu.

News Related