Published:

maanta oo ay tahay taariikhdu10/12/2015 wuxuu taliska ismail omar guelleh dhibaatooyin u gaystey dalada USN macaaradku.By MR: MOhamed roble burale

Wararka ka soo baxaaya dalka jabuuti ayaa waxay sheegayaan in ciidamada u adeega kalidii taliska ina geele uu soo weeraray dalada usn macaaradka jabuuti oo uu dhibaatooyin dhaawac uu u 23382844160_d9a060055d_m

Wararkaasi waxay sheegayaan in macaaradku ay fadhiyeen meel kaafayga laga cabo oo ay iska fadhiyeen waxaa halkaas noogu yimidey bay yidhaahdeen ninka haysta booliiska jabuuti cabdilaahi cabdi faarax oo ah jeneral ninkaasoo u adeega gacan ku dhiiglaha ina geele.
Jeneraal cabdilaahi cabdi faarax wuxuu u ku bilaabay gacan kahadal oo wuxuu gacan u gaystey masuuliyiintii ku jiray baarlamaanka dalka jabuuti oo ay kamid ahaayeen ismail ahmed casoowe oo aad ku arki doontaan sawirada dhaawaca soo gaadhay jidhkiisa taasoo ah mid cad oo gardaro ah oo uu gaysanaayo taliska ina geele.

Waxa kale oo halkaas joogay masuuliyiintii oo ay kamid ahaayeen madaxdii usn oo dhan waxa kale oo iyana halkaas joogay culumadii umada reer jabuuti ay jeclaayeen.

MR: robleh wuxuu sheegay waxaa dhibta loogu geysanaayo macaaradka isbadal doonka ah iyo culumadaba wuxuu ka xanaaqsan yahay taliska mucangaga ah ee ina geele mudaharaadkii dhawaan ay iskugu soo baxeen umadii farahbadneyd ee reer jabuuti oo dalbanaayey dumuqraadiyad buuxda taa soo ah mida ay u baahayihiin shacabka reer jabuuti.

Wuxuu intaasi ku darey MR: robleh markii uu maanta xildhibaanadaas uu dhibaatada u geystey isla markiiba waxaan dacwad ka dhan ah ismail omar guelleh ayaan dhigney maxakamada kutaal dalka BELGIUM gaar ahaan caasimada BRUSSELS taasoon u sheegnay avocatayaashii aan u dhiibney dacwada ka dhanka ah ina geele.

Wuxuu intaasi raaciyey mr.robleh waxaa maanta ka dhacay cafe HISTORIL waa arin cad inaanu doonayn dalkan iney ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ee uu doonaayo inuu xado imikana doorashada soo socota sidaas uu karabaa taasina waxay dalka u furidoontaa dagaal sokeeye ama u horseedi doontaa dagaal sokeeye.

MR: robleh wuxuu ku soo gabagabeeyey shacabka reer jabuutow kaca oo toosa oo dalkiina xoraysta oo iska qabta taliskan umadii dhameeyey oo kakaca hurdada kana tuura xunkunka taliska mucangagag ah ee umadii laayey ku dhinta gobonimo guuul guuul guuul.

By: Xafiiska usn ta ee dalka belgium
Gudoomiyaha dalada usn ta dibada maxamed rooble buraale

Brussels.

News Related