Gabileynewsonline.com
Dulliga Guulwadaha ah ee Tarsan Isagaa dulman oo talo dawladeed laga dayriyoo loo doodayee muxuu doonayaa ??? By: Cali Xaruuri
December 20, 2015 - Written by admin

Dulliga Guulwadaha ah ee Tarsan

Isagaa dulman oo talo dawladeed
laga dayriyoo loo doodayee

muxuu  doonayaa ???

By: Cali Xaruuri

“Dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye

Adaa soo macaac yidi sidii Moorgan oo kale”

Waxa aan maalmahan dambe maqlayaa qaar nolol u quudhi waa’ ah oo ka xun nabadda iyo horumarka Somaliland, iyo dar kale oo la duufsanayo ama la adeegsanayo oo ambad ah oo maqal mooyee aan wax aqoon ahba u lahayn REER Somaliland oo hadallo xanaf leh ku weeraraya.

Weedhaha cuqdadda iyo nacaybku ka buuxaan ee ka soo butaacaya raggaa uu ka midka yahay Guulwade Tarsan, waxay muujinaysaa in ay jiraan dad weli buka oo ku taamaya xumaan iyo xasad ay u hayaan reer Somaliland.

“Dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye

Adaa soo macaac yidi sidii Moorgan oo kale”

Maanlaawe Tarsanow kuwa ku yidhi marka aad ku hafato mawjadaha Siyaasadda ama ay ku liqdo badweynta siyaasaddu ee aad saaxadda siyaasadda ka muuqan weydo waxaa la isku muujiyaa cayda iyo aflagaadada Somaliland, dadkaasi jar bay kaaga tallaabsadeen.

Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye”  

Adiga iyo kuwa kale ee aamminsan in lagu doob-dillaacsado ama lagu af barto cayda Somaliland, waxaan idin leeyahay :

 

Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba’e
Nin maroodi daandaansaday oo maanla’ baad tahaye

==Waranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaa “

Tarsanow waxaad ka dhawaajisay qabyaalad adigoo meel u kala qaadaya DADKA wada dhashay ee REER Somaliland taasoo aan fahmi waayay waxa kugu xaqsaday inaad ka garaacdo xadhigaa khaldan.

Haddaba jawaabtaada koobani waxay tahay:
Somaliland waa mide waxaanad meel u kala geynin

Waxaanad magac qabiil iyo hayaay ugula meeraysan

Mabda’iina waan wada ognahay aad maldahaysaane

Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina’e

Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye”

Guntii iyo gababadii

Tarsanow waxaagu ama hadaladaadu waxba kama duwana cidaa Xoolaha

Adaa soo macaac yidi sidii Moorgan oo kale”

sidaa awaged waxan hadalkaygii ku soo gunaanadayaa

 “Adiga inaan kula murmaa way macno la’aan”

Wa Billaahi Tawfiiq

Qalinkii:  Cali Xaruuri

The Netherlands

COMMENTS
Latest News