Published:

 

Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Ucid

Hargeysa(GNOfaysal cali waraabe)December-10-2015-Eng Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa sikhiray khilaafka cakiran ee ka dhex oogan hogaanka xisbiga Ucid, wuxuuna tilmaamay in kaliya laga tashanayo sida xisbigu u soo bixi lahaa, inkasta ooh ore aragtidaasi uu uga soo horjeestay Jamaal Cali Xuseen, musharaxa xisbigu.

Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale diciifnimo dhinaca Somaliland ka timid ku macneeyay hanjabaado Somaliland uga yimid maamulka Puntland iyo General Moorgan oo hore Shacbiga Somaliland xasuuq ugu gaystay. Wuxuu tilmaamay inay ahayd in Somaliland Jarjarto General Moorgan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inaanay haboonayn eedaha shalay ka soo yeedhay Puntland eek u saabsan inaanay Somaliland Xudun shidaal ka baadhi karrin.

 

News Related