Published:

FAALLO :  DHAQAN-XUMADA  SIYAASADEED EE KA HILAACDAY GABIILAY. FARIIN KU SOCOTOA: MUJ BOOBE, EX-WASIIR SAMAALE, EX-WASIIR TIMACADE IYO COL. MUUSE BIIXI.
Magaalo-joog xumida waxa ka mid ah suuqa oo  lagu tufo ama lagu KAAJO. Dhaqan- xumida-siyaasdeedna waxa ka mid ah Martida & Madaxda oo KAB lagu salaamo ama astaamaha qaranka oo  Ey & Dameero  lagu xidho. Madaxwayne Siilaanyo  Reer Gabiilay waxay ku soo dhaweeyeen  KAB; Calanka  Kulmiye  kabaha ay ku masaxeen, Calanka UDUB  & WADDANI  waxay ku xidheen EY. Waa ficilo iyo dhaqan u  gaar noqday   “Gabiilay “ , oo aan lala wadaagin” Exclusive Gabilay Culture”.   Shacabka Somaliland waa shacab  nadiifah oo  xarago iyo wanaag jecel,  laakinse way isku daydaan. Waxa dhici doonta in dhaqankaasi ku fido Gobolada kale ee Somaliland.. Madaxda & martida waxa lagu soo dhawayn  doona  KABO , astaamaha qarankana waxa lagu xardhi doona   EY  & DAMEERO .Waxa la gudboon siyaasiyiinta , Aqoonyahanka  , Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka  Reer  Gabiilay inay raali gelin  siiyaan Madaxwaynaha, Madaxda axsaabta Qaranka,iyo dhamaan bulshada Somaliland. Waa inay si wadajir ah u bilaabaan wacyi gelin . Xukumada Somaliland waa inay soo saarto shuruuc lagu xakeemyo  fidinta cudurka “ Viruska “  dhaqan xumida siyaaseed ee ka hilaacay Gabilay. Haddii kale, isku dayasho ayaa ka dhalan karta , cawaaqib xumana way  ku reebi doonta  sharafta iyo karaamadda  shacbka  Somaliland, iyo geedi socodka dhaqanka suuban ee  dimuqraadiyadda.
Waa bilaahi towfiiq.
Drs. Hoodo Yusuf , UK.

yhoodo@yahoo.com

News Related