Published:

Golaha degaanka ee magaalada borama oo dayacay hawlihii loo idmaday.By maxamed jeex

Waa golihii ugu horeeyey ee aan kabixin dhibaato golahani wuxuu dayacay hawlihii loo doortey waxaa waayadan isa soo taraaya dayacnaanta ka muuqata magaalada borama oo dhinac walba taabatey.

Waxaana kamid ah koowaad nimankii masuuliyadan loo doortey oo hawshoodii gabay nimankaasi waxay ku mashquuleen is qabqabsi aan dhamaad lahayn bulshadii reer awdalna waxay ka taagan tahay khaatiyaan is qabqabsigooda.

Magaalada borama waxaa ka muuqata dayacnaan xaga nadaafada ah iyo dhibaatooyin ay ku hayaan eydu magaalada markaad eegto dadka iyo eyda waxaad moodaa iney eydu badatey arintaasina waxaa ka masuul ah golahan hawshoodii gabay ee meesha u jooga iney wax uun ka cunaan.

Dawlada hoose ee borama qaybta nadaafada HYGIENE DEPARTMENT ayduna waa shay ku xun bulshada caafimaad ahaana iyo dhaqan ahaan intaba wuxuu u leeyahay dhibaato dadka waxaana ka mid ah xanuunka loo yaqaan RIPS oo qofka uu qaniinaana waxaa soo foodsaareysa halis caafimaad daro ah oo aan loo haynin daawadii lagu daaweynaayey oo ah ANTI-RIPS INJECTION aygu nadaafad ahaana meeshuu fadhiisto ama uu taabto laguma tukan karooo diin ahaan waa in 7 jeer la maydhaa hadaba waxaasoo dayac ah waxaa masuul ah dawlada hoose ee borama.
Golihiina waxay wada noqdeen beenaalayaal wax matarayaal umadii soo doorateyna kaga wada baxay balantey la galeen ama ay u qaadeen markey ku jireen ololaha wixii ay sheegijireen dhamaan wuxuu noqdey been cad iska dhaaf waxay qabteena waxay baalmareen sharcigii degmada u yaaley .

Bulshad degmada borama waxaan ku dardaari lahaa wixii maanta ka dambeeya iska ilaaliya cida aad codkiina ku aaminaysaan ee aad siinaysaan kuwan waad ku qasaarteena kuwa dambe ka taxadira oo doorta kuwo bulshada wax u qabta
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related