Published:

SLDA LOGOGuddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga oo la kulmay  Jaalliyadda Somaliland ee Stockholm iyo hay’adda FORUM SYD ee Sweden

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi ayaa la kulmay jaalliyadda Somaliland ee magaalada Stockholm oo si diiran loogu soo dhaweeyay maalintii shalay.

Guddoomiyaha oo Stockholm  ku soo gebogabeeyay safarkiisa Sweden oo ka mid ah wadamada qurbajoogga ugu badan ee Somaliland degganyihiin ayaa kulan la qaatay  gudida, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha bulshada jaalliyadda Somaliland ee magaalada xarunta dalka Sweden ee  Stockholm. Guddoomiyuhu wuxu warbixin ka siiyay jaalliyadda xaaladda guud ee dalka iyo ujeedada safarkiisan oo ku qotonta dhiirrigelinta midnimada iyo wadajirka qurbajoogga Somaliland, xidhiidhka jaalliyadaha iyo dawladda iyo in la dhirrigeliyo doorka qurbajoogga Somaliland ee dhinacyada horumarka dalka.

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooggu wuxu ku bogaadiyay jaalliyadda Sweden doorka ay kaga jiraan horumarka dalkooda, waxanu ku guubaabiyay inay laba jibbaaraan iskaashigooda iyo kaalinta ay kaga jiraan waxqabadka iyo horumarinta wadanka ee xagga dhaqaalaha, maalgashiga iyo dadaalka ictiraaf raadinta iyo madaxbanaanida JSL

Waxa iyaguna munaasibadda kulankan ka hadlay xubno ka mid ah gudida iyo odayaasha jaalliyadda Somaliland ee Sweden oo uga mahadceliyay Guddoomiyaha booqashada uu ku yimi Stockholm, isla markaana soojeediyay in la xoojiyo wadatashiga, waxwada qabsiga iyo iskaashiga bulshada oo lagu mashquulo horumarka \iyo danaha qaranka Somaliland.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland, Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi wuxu la kulmay madaxda hay’adda FORUM SYD oo ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn ee dhinaca gargaarka horumarinta, isla markaana dhawaan ku yeelatay Xafiis ka wakiil ah Somaliland. Guddoomiyuhu wuxu uga mahadceliyay kaalinta waxqabad ee ay hay’addani ku leedahay mashaariicda gargaarka horumarineed ee Somaliland, waxanay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo xoojin lahaa iskaashiga guud iyo  kaalinta qurbajoogga ee mashaariicda gargaarka iyo horumarinta Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa.

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooggga Somaliland oo uga sii gudbaya Sweden dhinaca jaalliyadda Somaliland ee Norway ayaa la filayaa inuu la kulmo Duqa magaalada Stockhom ka hor inta aanu ka amba bixin Sweden.

Guddoomiyahan uu madaxweynuhu sannadkan u magacaabay Wakaaladda Qurbajoogga JSL ayaa ku dadaalayaa sidii loo xoojin lahaa kaalinta waxtarka leh ee qurbajooggu ugu jiraan dalka dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba waxanu safarkiisan hore ula soo kulmay jaalliyadaha Copenhegan ee Denmark, Malmo, Jonkopin iyo Orebro ee dalka Sweden.

Source: Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland

Email: sldaexecutive@gmail.com / sldiasporagency@gmail.com

Hargeisa, Republic of Somaliland

News Related