Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Kala Qaybsamay Magacaabista Gudoomiyaha Komishanka Ee G/Awdal.
Boorama ,Diis– Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliland ayaa la sheegeyaa inay ku kala qaybsanyihiin magacaabista nin la sheegay in dhawaanta loosoo magacaabay guddoomiyaha komishanka ee G/awdal oo la yidhaa maxamed Muuse Jibriil
Sida la sheegeyo ku dhawaad shan xubnood oo ka mid ah komishanka doorashooyinka qaranka ayaa kasoo horjeestay nin dhawaan is magacaabay balse laba xubnoo oo u ka mid yahay nin isagu komishanka qaranka ee doorashooyinka kaga jira G/awdal , ay weli ku adkaysanayaan in xilka komishanka ee gobolka sidaa loo daayo waxna an laga beddeli karin.
warkan ayaa sheegeya in guddiga qaranka ee komishanka u haatan cadaadis ba’ani ka haysto kooxo u ololaynaya guddoomiyaha muranku ka taaganyahay ee gobolka awdal iyo kuwa kasoo horjeeda oo magacaabista ninkani u arkaya meel ka dhac loo geystay nidaamka komishanka doorashjooyinka gobolku ku dhisnaa weligiiba ,sidaa darteedna mustaqbalka ama maamulka komishanka qaranka ee doorashooyink a arrintani dhaawac u geysan doonto haddii ay ka noqoqn waayaan .
ALLAA MAHAD LEH
BY MAXAMED JEEX
BRUSSELS.