Gabileynewsonline.com
Jabuuti oo Adkaysay Galitaanka Xuduudeeda, Xilligan oo loolanka Siyaasadeed ee Xukuumadda iyo Mucaaradku Xoogaystay
December 19, 2015 - Written by admin

Jabuuti oo Adkaysay Galitaanka Xuduudeeda, Xilligan oo loolanka Siyaasadeed ee Xukuumadda iyo Mucaaradku Xoogaystay

Ciidamadda Jabuuti ayaa la sheegay inay bartaas dhigeen qalab gaadiidka la dhex marinayo si loola socdo wax kasta oo saaran

Ciidamadda Jabuuti ayaa la sheegay inay bartaas dhigeen qalab gaadiidka la dhex marinayo si loola socdo wax kasta oo saaran

Lawyacado(GNO) Xukuumadda Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa inay adkaysay xuduudka u dhaxeeya Somaliland, iyadoo ay dhawaan saraakiil u dhashay dalkaas iyo masuuliyiin Maraykan ah oo xadhiga ka jarayey bar kantarool oo ay sameeyeen kaga dhawaaqeen inay u adkeeyeen si aanay dhinaca somaliya uga soo talaabin kooxaha wax qarxiyaa.

Ciidamadda Jabuuti ayaa la sheegay inay bartaas dhigeen qalab gaadiidka la dhex marinayo si loola socdo wax kasta oo saaran, halka ay markii hore ka adkeeyeen galitaanka dadka ee sharci darada ah, iyagoo ku xidhay sharciyo adag iyo qalabka faraha oo meel kasta oo aad marto lagula soconayo markaad ka gudbayso xuduudaha. Dawladda Jabuuti ayaa xilligan cabsi xoogan ka qabta Mucaaradkeeda, waxaana toddobaadkan hadalo kulul isweydaarsaday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo mucaaradka, waxaanay isku hayaan muddo xileedka cusub ee uu doonayo in uu markii afraad korodhsado. Dawladda Jabuuti ayaa dhinaca kale, Dawladda Federalka Somaliya u tababartay ciidamo cusub oo Booliis ah oo ka hawl-gala maamul goboleedyada kala duwan, kuwaas oo loogu talogalay inay ka qayb qaataan amaanka Somaliya oo maalin ba maalinta ka danbaysa ka sii daraya.

COMMENTS
Latest News