Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa goor dhaweyd cawda u goysay tababarahihii kooxdaasi Jose Mourinho.
Mulkiilaha kooxda Chelsea Abramovich ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in labadooda dhinacba ay isku af garteen in halka ay wax marayaan aanay ahayn tii la filayay.
Sidoo kale waxa uu xusay in ay uga mahad celinayaan shaqadii wacnayd ee uu kooxda ka soo qabtay “Waxa ay kooxdu u rajaynaysaa in tagitaanka Mourinho aanay ahayn mid la iloobi doono, wakhti walbana waanu xasuusan doonaa jacaylka aanu u qabtno, qadarintii iyo waliba dedaalkii.
Sidoo kale dhaxalka uu ku leeyahay kooxda Chelsea iyo England waa mid la xusi doono, waxaanan si diiran u soo dhaweynaynaa soo noqoashadiisa dambe ee Chelsea” ayaa lagu yidhi war kooban oo ka soo baxay maamulka kooxda Chelsea