Published:

Habeen Isniint oo ay Taariikhdu ahayd 14/1/2013 ayaa waxa aan socdaal  Riyo ah kula Kulmay   labadii Sheek ee Qarankan Dhidibada utaagay Naxariistii Jano alla haka waraabiyee ee kala ahaa Sh. Ibraahim Sheek Madar iyo Sheekh Muuse Goodaad aan halacsaday iyagoo taagan Meel Qurux badan oo nooc kasta oo Geed wuxuun Anfacaa ka muuqdo oo aad Udgoonka iyo Carafka yaabto waji yadoodana Nuurka ka baxaaya aad tacajubayso oo aan Maskaxdayda ka waayay Qurux iyo Wanaag aan ku miseeyo oo aan Aduunka ku arkay ayaa waxa aan jeclaystay inaan la kulmo Culimadaa ilaahay u Nimceeyay anoo kayara Walwalsan Tolow makula Hadli doonan ugu Dambayn gaaray anoo yara Dhaqaaq joogsanaaya deetana waxan ku Salaamay Salaanta Islaamka waxayna halmar igaga qaadeen Salaantii islaamka si wada jira, deetana markaasay I way diiyeen Adeer waxa tahay Nin Dhalinyara oo Tacab iyo Daal ka muuqdee xagee ka timid?

JWB: Waan farxay marka hore maadaama ay Hadal ila fureen, anoo Dhoola cadaynaaya walina aan aad u  garanayn labadan sheekh ee karaamadu ka muuqato ayaan ugu Jawaabay Cod hoose ixtiraam awgii Somaliland.

SL: iygoo Dhoola cadaynaya ayay hadana iwaydiiyeen Gobalkee ayaad ka timid? Anaga se maad nagaranaysaa?

JWB: ayaa waxan usheegay in aan Awdal ka imid balse aan Maaminayo iyaga waayo kumaba Arag aduunyada Wajiyo aan ku Suureeyo ee bal isku kay sheega.

JWB: wuxu yaabkaygii Noqday markii ay isku kay sheegeen inay yihiin sh. Ibrahim iyo Sh.muuse.

 Mar waan farxay marna waan Argagaxay Mar waan Argagaxoo waxan is waydiiyay sidee kula kulantay, marna waan farxoo kulankan labadii Sheekh ee Somaliland Mahadisay Midhahooda  iyo waayaha Wacan ee Dushooda  ayaan ku farxay.

SL: Waxa ay Iwaydiiyeen Waayaha Shacabka iyo Nabadii Somaliland?

JWB: Waan uga waramay wixii aan is idhi Jawaab ayay ugu filan tahay.

SL: Waxa ay hadana iway diiyeen Dalkii mala Aqoonsaday?

JWB: maya ayaan ugu Jawaabay wali madaxa ayayna luleen anoo u fahmay inay ka xunyihiin.

SL:Wax ay hadana I way diiyeen Kumaa  madax wayne ka ahaa?

JWB: Axmed  Siilaanyo.

JWB: Iyagoo Aanu ka muuqan Dareen Farxadeed ayay yidhaahdeen Cidluu ka helay Cudooni kumaanaan Ogayne.

SL:  hadana waxa ay I waydiiyeen Guurtidii yaa haysta?

JWB: waxa aan usheegay in Saleebaan maxamuud Adan haysto.

SL: waxa ay iwaydiiyeen Oday Dhaqmeedkii iyo Culimadii xagee qabteen Saleebaan Siyaasi ayaan ku ogayne? Iyaga ayaana isu Jawaabay oo yiri way qabsatay  Ood Celisana Malaha waa la waayay intay madaxa luleen, iyagoo hadalkii sii wata ayay yidhaahdeen waxbaan ku ogayn Labada Odaybee ilaahay ha u Sahlo Somaliland.

Sh. Ibraahim oo hadalka sii wata ayaa yidhi Waxa kasii cidhib xun kuwo aan ogahay oo kuwaa ku Daba jira oo ay isku layn yihiin ee ilaahay Aafadooda Ha ka hayo.

Adeer Nabaadiino Adigiyo Dhibaato Waa soo kala Dhamaateene iyagoo malaha u qaatay inaan kula soo Jaaray Wanaagan ilaahay ku maamuusay ee Nimcoo dhani ku idishahay Ana aan ku farax sanahay ayaaba waagii iga baryay.

AFEEF: Illahay ayaa Og Xaqiiqda Balse Waxan u Rajaynaynaa inay Ku Nimcaysan yihiin Hoosada Naxariista Rabi anagoo Tixraacayna Camaladii Daahirka ahaa  kana Raysteen Aduunyo iyo Rafaadkeed,Hana loosii Camal Badsado Gurigii Rasmigii Waakaa Dambeeyee Camal kiisa Wanaagsan, Hana loo Duceeyo Culimadaa aan Mahadinay iyo  Intii Umada Nabi Maxamed ee Geeriyootay.

          Qalinkii: maxamed abiib yuusuf.

Bulaawecade98@hotmail.com

News Related