Gabileynewsonline.com
MACAARADKA DJIBOUTI OO MAANTA MUDAHARAAD BALAADHAN OO AY KAGA SOO HORJEEDAAN TALISKA ISMAIL OMAR GUELLEH XASUUQII UU U GEYSTEY SHACABKA REER DJIBOUTI EE KU NOOL DEGMADA BALBALA.
December 23, 2015 - Written by admin

MACAARADKA DJIBOUTI OO MAANTA MUDAHARAAD BALAADHAN OO AY KAGA SOO HORJEEDAAN TALISKA ISMAIL OMAR GUELLEH XASUUQII UU U GEYSTEY SHACABKA REER DJIBOUTI EE KU NOOL DEGMADA BALBALA.

MUCAARADKA REER DJIBOUTI OO MAANTA MUDAHARAAD BALAADHAN KA HORSAMEEYEY BAARLAMAANKA REER YURUB AMA (EUROPIAN PARLEMENT) mudaharaad kaa soo ku saabsanaa xasuuqii ka dhacay dalka jabuuti ee uu geystey ina geele taasoo ay ku dhinteen in kabadan 25 qof oo rayid ah iyo 150 qof oo dhaawac ah aan waxba galabsan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Shacabkii farahabadnaa ee halkaas iskugu yimidey waxay ku dhawaaqayeen ina geele hadhaco ina geele ha dhaafo dalka jabuuti ina geele waa in maxakamad la soo tagaa oo la hor keenaa cadaalada aduunyada si looga jaro dhibaatada uu u geystey shacabkiisa reer jabuuti.

Umadii halkaas timidey waxaa wajigooda ka muuqdey murugo iyo dhibaato iyagoo ka murugeysnaa dilka uu ku hayo dadkiisa ina geele taasoo ay lahaayeen haka tego xukunka ina geele si inta hadhay shacabka loo badbaadiyo ama ay uga badbaadaan dilka ina geele .
Shacabkii mudaharaadaayey waxay codsanayeen in dhagarqabayaashii dadka laayey maxakamado caalamiya la horkeenu si loogu qaado dambiga ay faleen waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen dhagarqabe ina geele hakabaxo dalka jabuuti.

Gabagabadii dadkii mudaharaadaayey waxay lahaayeen shacabka reer jabuuti halganka ha sii wadaan ilaa inta uu talisku ka tegaayo xukunka.
XAFIISKA GABILEYNEWSONLINE .COM
BY MAXAMED JEEX
BRUSSELS.

COMMENTS
Latest News