Published:

Jabuuti(GNO)December-04-2015-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii afraad isku soo taagay doorashada madaxnimada dalkiisa, waxaanu shacbiga ku booriyay in loo codeeyo si uu uga reeyo mucaaradka oo uu ku tilmaamay kuwo aan khayr u soo wadin wadankiisa.

Madaxweyne Geelle, ayaa ku dooday in shacbigu dalbaday inuu markale hogaanka u sii hayo, isna uu la qaatay inuu dalkiisa u sii adeego. Waxa uu sheegay in wax kasta ha ku qaadatee uu qabanayo xilkaasi mar afraad.

Doorashooyinka Jabuuti ayay inta badan mucaaradku ka cawdaan, iyadoo ku dooda inaanay ahayn mid caddaalad u dhacday.

 

News Related