Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo lagu soo Kordhiyey Wasaarada Qorshaynta Qaranka
December 27, 2015 - Written by admin
Hargeysa(GNO) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaciil Jirde (Cali Shoombe) ayaa Maanta si wadda jir ah Xadhiga uga jaray Dhisme cusub oo Labba dabaq ah loona dhisay Wasaarada Qorshaynta qaranka.
Dhismahan oo ay Maalgalisay Hay’ada USAID ayaa munaasibadii loo qabtay ay ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Wasaradaasi iyo Saraakiil ka socday Hay’ada Dhismahaasi maalgalisay.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Cali Xuseen Ismaciil Jirde (Cali Shoombe) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaasi xadhiga lagag jarayey dhismahaasi ayaa waxa uu u mahad naqay hay’adii dhismahasi u dhistay oo ah USAID waxanu tilmaamay in dhismahaasi baahiweyn u qabeen, waxa kale oo uu sheegay in Hay’ada iyo wasaarada ay ka dhexeyso wada Shaqeyni.
Ibraahin oo ka socday Hay’ada USAID oo ka hadlay Munaasibadaasi ayaa sheegay in mudadii shanta sanno ahayd ee dawladu xilka haysay ay la soo shaqeeyen. Waxanu yidhi. “Shantii sanno ee ay dawladu xilka haysay wax baddan ayaanu la soo qabanay, maanta dhismahan cusub ee labbada dabaq ah ayaanu u dhisnay, waana mid cadeynaya in bulshada Somaliland wax loo qabanayo, Mustaqbalkana sidii aanu hore ula soo shaqeyn si ka wanaagsan ayaanu ula shaqeyndoona”Ayuu yidhi
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici oo isaguna ka hadlay Munaasibadaasi ayaa tilmaamay ahmiyada Wasaaraduhu u leeyihin qaranka isla markana ay tahay in ay helaan dhismayaal qurux baddan oo hawsha qaranka lagu qabto. Waxanu yidhi. “Waxa noo farxad ah in aanu furno xafiisyo cusub oo lagu kordhiyey wasaarada Qorshaynta Qaranka, oo ay maalgalisay hay’ada USAID oo dawlada maraykanka u qaabilsan Mucaawimooyinka dibada, mana ah markii ugu horeysay ee qaranka Somaliland ay hay’adani wax ku caawiso, sidaasi daraaded waa in shaqaalaha dawladu helan meel ay ku shaqeeyan, sidaad la socotaan dhammaan wasaarada dawlada wax ka socda dhismayaal qaar ay dawladu maalgaliso iyo qaar hay’aduhu ka caawiyan, Hay’adan USAID mudadii shanta sanno ee aanu xilka haynay kaalin mugleh ayey ka qaadatay dhismaha wasaarada iyo horumarinta dalkaba”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.