Published:

Munaasabad balaadhan oo lagu soo bandhigayay buugii Saddexaad oo uu soo bandhigyo abwaanka da’da yar ee  Maxamed Saalax Maare uguna magac daray Naq-soor ayaa xalay lagu qabtay Hotel Haldoor ee Magaalada Boorama.

IMG_4623Madashan oo ahayd mid si heer sare loo soo camiray maqaamkeeduna aad sareeyay ayaa waxaa ka soo qayb galay Kusimaha gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ahna gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed, Maayor ku xigeenka Degmada Boorama Mudane Cumar Ileeye Jimcaal, Iyo Gudoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada ee heer qaran ee Xisbiga  WADDANI Marwo: Saynab Axmed Cali.

Ugu horeyn waxaa halkaas badhig kooban oo buuga ka hadlay soo jeediyay qoraaga buugan Abwaan Maare waxa uuna sheegay in buugani koobsaday arimo badan oo saamayn badan oo taabanahay xaalada haatan ku gadaaman da’yarta iyo sida looga bixi karo.

Sidoo kale waxaa isna halkaas hadal guubaabo iyo dhiiri galin u badan ka soo jeediyay Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Ahna gudoomiye ku xigeenka Xisbigaas Mudane Axmed Mu’min Seed, waxa uuna u hanbalyeeyay wiilkan da’da yare ee buugii saddexaad ee uu qoro soo bandhigay, waxa kale oo uu bulshada gudoomiye seed kula dardaaramay inay dhiiri galiyaan Abwaan Maare iyo da’yarta kale ee la mid ah ee alle hibooyinka u siiyay inay wax bulshada u muhiim ah soo bandhigaan, isaga oo ku booriyay in buugan iyo kuwa kale ee uu qoray Abwaankan da’da yar la iibsado si ay ugu noqoto abwaanka dhiiri galin uu ku dhiirado inuu sii wado hibadaiisa qoraalka ah.

Gabogabadii munaasabadan waxaa soo afmeeray Maayor ku xigeenka Degmada Boormaa Mudane Cumar Ileeye Jimcaale waxa uuna ku dhiiriyay da’yarta reer Somaliland gaar ahaan kuwo ku nool degmada Boorama inay ku daydaan Abwaan Maare oo kale oo ay soo saaraan buug wax tar u leh bulshada oo wax badan ka badali karta.

Eng.Mawliid Maxamed Muxumad”Mawliid Hanad”

Boorama-Somaliland

News Related