Published:

MUUSE OLOLIHIISA MUS-CIRIRTUU KA BILABEE

MUS-DAMBEEDKUNA WUU KU XIGAA5A

Sida aynu la wada socono maalmahan dambe musharaxa madax tooyada MUUSE BIIXI CABDI wuxuu inadha inadhayn Ku maraayey dagmooyinka magaalada Hargeisa isagoo u kuur galaaya xaalada bulshadu ay Ku sugantahay wuuna Ku saxanyahay hubaashii inuu ka bilaabo magaalo madaxda.

Hadaba waxaa jirta in Hadii aad tagto goobaha bulshadu Ku kulanto aad ku arkayso dad war xumaato shiila oo Ku odhanaaya MUUSE meel kale uma bixi karo ee wuxuunbuu Ku warwareegayaa xaafadaha Hargeysa.

Waxaan leeyahay marka hore waxaa laga bislaanaa markaad bulshada wax ka doonayso inta kuugu dhaw, dabadeed ayaa loo gudbaa inta kale, MUUSE wuxuu ka bilaabayey MAROODI JEEX

gobolada kalena way ku xigaan inshallah.

Hadaba waxaan leeyahay ISBAHAYSI TAAGEERAYAASHA lu go’ay

MUUSE wuu kusii socdaa gobolada kalee ha muraaradilaacina.

Qofkastaaba markuu arin doonaayo wuxuu ugu horaysiiyaa inta ay is xigaan mana aha in intaa laga dhigo wax weyn iyo inuu qofku ka baqanaayo dadyowga kale.

Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa ( TOLKAA IYO KABTAADABA WAA LAGU DHEX-JIRAA)

Waanu Ku saxanyahay MUUSE inuu tolkiisa ka bilaabo.

Waqti badani kama soo wareegin waqtigii loo doortay musharaxa mana aha in maalinkaliya lagu wada gaadho gobolada oo dhan.

Ingriisku wuxuu Ku maahmaahdaa ( Roma not build a day ) oo macnaheedu yahay caasimada quruxda badan ee talyaaniga Roma maalin laguma dhisin ee waxay ay qaadatay waqti

Facebook :- Cabdi Caawiye Ismacil GUNTI-GAAB

TELL 0634115877

 

News Related