Ogaysiis ku socda jaaliyada reer Somaliland ee UK
December 29, 2015 - Written by admin
Salaamu caleykum Saxaafadda sharafta 
Ogeysiis
Waxa Jaalliyadda reer Somaliland ee deggen dal-weynaha UK loogu baaqayaa inay ka soo qayb galaan kulan ballaadhan oo lagu qaban doono magaalada London maalinta sabtida ee bisha January tahay 2da 2016.
Waxa kulanka inoogu warrami doona Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Hayadda Qurba joogga mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi. Labada masuul ayaa hadda ku sugan dalkan UK.