Gabileynewsonline.com
Qaar Ka Mid Ah Sarifleyaashii Aragtidooda Sixir Bararka Madaxtooyada Ku Bandhigay Oo Laga Joojiyay Inay Bangiga Dhexe Galaan
December 20, 2015 - Written by admin

Qaar Ka Mid Ah Sarifleyaashii Aragtidooda Sixir Bararka Madaxtooyada Ku Bandhigay Oo Laga Joojiyay Inay Bangiga Dhexe Galaan

Hargeysa(GNO)Qaar ka mid ah sariflayaasha magaalada Hargeysa ayaa loo diiday inay galaan baanka, ka dib markii ay madaxtooyada kaga hadleen aragtidooda lagu xalin karo sicir bararka dalka saameeyay. Markii ay wararkani soo baxeen, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika la xidhiidhay Axmed Xasan (Awliyo), oo ka mid ah Sariflayaasha waaweyn ee Hargeysa  kaas oo cadeeyay in loo diiday Baanka dhexe ee Hargeysa  inuu galo isaga iyo xubno kale oo Sariflayaal ahi kadib markii ay Madaxtooyada kaga hadleen qiimaha Sarifka ee sare u kacay iyo cabashooyinka la xidhiidha.

 

Axmed Xasan (Awliyo),  oo Wargeyska Geeska Afrika u waraamay ayaa inkastoo aad u gaabsaday haddana wuxuu  yidhi “Kulankii aanu Madaxtooyada ku yeelanay si fiican mid u  qabsoomay ayuu ahaa, Sariflayaashuna wey badnaayeen, arimo badan oo ah ninba rayigiisa sidii uu ILLAAHAY ku ogaa ee la yidhi u hadla  rayigiisana u dhiibtay,  waxaanu la kulanay Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Madaxtooyada, Agaasimaha Baanka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Duulista iyo Hawada, waxaanu u gudbinay nin walba sidii uu xal u arkaayey ee wax looga qaban lahaa Sicir bararka.”

 

Wuxuu isagoo ka hadlaya arrintan uu sariflahani yidhi “Maanta (Shalay), ayaa lanagu wargaliyey in aanaan soo galin Baanka, waxaana nagu wargaliyey Maamulka Baanka, Maamulaha iyo ku xigeenka, rayi ahaana anagu waxa aanu qabnaa fikirkii aanu ka dhiibanay Madaxtooyada inuu la xidhiidho balse wali lamaamu kulmin Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Baanka”.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Qaar-Ka-Mid-Ah-Sarifleyaashii-Aragtidooda-Sixir-Bararka-Madaxtooyada-Ku-Bandhigay-Oo-Laga-Joojiyay-Inay-Bangiga-Dhexe-Galaan.html#.dpuf

COMMENTS
Latest News