Rabshado Caasimada Jabuuti Ka Dhacay Oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac+Sawirro

a8dab3eb1c6e7dc62c29ce2e55ced5e0_LJabuuti(GNO) dad ah ayaa ku dhimatay qaar kalena waa ku dhaawacmeen Galinkii hore ee isniinta rabshado ka dhacay magaalada caasimada ah ee Jabuuti. Rabshadaha ayaa la sheegay inay ka bilawdeen dad dhigayay xuska Mawliidka, hase ahaatee booliska oo aan raali ka ahayn goobta lagu dhigay iyo dadka hawshaasi waday ayaa isku dhacay, waxaana halkaasi ka bilawday rabshado dhimasho iyo dhaawac keenay.

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa dawladda ku eedeeyay masuuliyadda rabshadaha, halka dawladdu ku doodayso in dadkaasi ahaayeen kuwo mucaaradku daaha dabadiisa ka hagayo, booliskana ay kala hor yimaadeen rabshado. Taliyaha booliska ayaa ku dooday inay rasaas booliska ku rideen dadkaasi markii boolisku soo qaabilay, hase ahaatee mucaaradku wuxuu sheegayaa in dadkaasi ahaayeen kuwa shacab ah oo aan hubaysnayn.

Cumar Cilmi Khayre, guddoomiye xigeenka isbahaysiga Jabuuti ayaa sidan u sharaxay wixii dhacay “Dad reer Jabuuti ah oo sidii dhaqanku ahaa mawliid meel ku dhigayay ayaa la weeraray oo ciidamo loo diray,  dadkii ciidamadii waxay ku yidhaahdeen waar naga taga ama soo fadhiista oo nala jooga waxaanu dhigaynaa waa Mawliide, dabeedna hadalkaa dawladdii ma yeelin ee dadkii dagaal baa lagu bilaabay. Ilaa hadda dhimashada aanu xaqiijinaynaa waa 15 qof, waxa dadka laayayna maaha booliskii ee waa militarigii,” waxaanu intaasi raaciyay inaanay mucaaradku wax lug ah ku lahayn dadkaasi. Waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe xiisad wadanka Jabuuti ka taagnayd, taasi oo ku saabsan hanka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku doonayo inuu mar afraad tartamo taasi oo mucaaradku diidan yahay.

 

Taliyaha booliska Jabuuti Cabdillaahi Cabdi Faarax ayaa isna geestiisa sidan uga hadlay rabshadaha dhacay “Arrin fool xun oo aan waligeed Jabuuti laga arag ayaa na qabsatay. Arrintaas oo ah qolo siyaasiyiin ah oo dad ku daba dhuummanaya oo dibadda ka soo talinaya oo dad dhalinyaro bilaa camal ah iyo dad baadiye u badan maskaxda u soo galiyay in dawladda lala dagaallamo,kuwaasi oo ay soo hubeeyeen, halkaana ka abuureen xaalad dhimasho iyo dhaawacba leh,” ayuu yidhi taliyaha oo intaasi raaciyay in ilaa 36 Askarta ka mid ah dhaawacyo qaarkood xabad tahay soo gaadheen.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay jirto dhimasho iyo dhaawac, kadib markii sida uu sheegay rasaas lagu soo riday booliska, islamarkaana boolisku ugu jawaabay rasaas. Waxa uu masuuliyadda dhibkan dusha u saaray dad uu siyaasiyiin ku sheegay. Waxa uu sheegay in dadka qabanqaabinayay mawliidka ay hore ugala hadleen inaan goobtan lagu qaban islamarkaana hore loo siiyay meel ay ku qabtaan hase ahaatee ay ka baxeen balankii.

 

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Rabshado-Caasimada-Jabuuti-Ka-Dhacay-Oo-Sababtay-Dhimasho-iyo-Dhaawac-Sawirro.html#.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here