Published:

downloadSida distoorku qeexaayo, Somaliland waxay qaadatay  nidaamka dhaqaale ee loo yaqaan  suuqa xorta ah “Free Market “.   Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo waxay nidaamkaa ku bedeshay ‘Oligopoly”. Waa marka  koox kooban oo dhiigmiirata ah  ganacsiga  kooto loogu xidho, oo xukuumado ka ilaaliso in tartan xor ah lala galo. Kooxdaas kooban ee xukuumadu gardaadinayso waxa uu suurta gasha in sicirka ay doonaan ku iibiyaan alaabta ay soo dejiyaan, ayaga oo aan u tudhaynin danyarta & saboolka. Tusaale ahaan, shidaalka  waxa loo xidhay koox yar oo faro ku tiris ah. Waxa kale oo lagu wareejiyay  Haamahii kaydka shidalka, si aan cid kale ula tartamin.  Sicirka Foostada baatroolka ahi  waxay taagnayd   $ 145 per barrel bishii July, 2008. Maanta qiimaha foostada baatroolku waxay taagantahay  $ 35 per Barrel.  Waxa  ku yimid hoos u dhac gaadhaaya  $ 110 per barrel  oo u dhiganta 76%.  Bal amarka ilaahay, Somaliland qiimaha shidaalku weli wuxuu taaganyahay  halkii uu taagnaa July, 2008. Faraqa hoos u dhaca ee ah  $ 110 per Barrel ,waxa jeebka ku shuubta kooxdaa yar ee kootada loogu xidhay  shidaalka  . Guud ahaan, marka qiimaha shidaalku hoos u dhaco, waxa hoos u dhaca maceeshada “ cost of living ‘. Nasiib darro, Somaliland maceeshadu kor ayay u kacday , halka caalamka kale maceeshadu hoos u dhacday.


GUNAANAD :  Madaxwayne Ku-Xigeenka  Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha &  sicir-bararku. Hadaba, MADAXAWYNE Silaanyo waxa la gudboon inuu  ilaaliyo distoorka qaranka, ku dhaqmo habka ganacsiga xorta ah, burburiyo nidaamka kootooyinka “oligopoly”,  hoosna u dhigo qiimaha  shidaalka  by 76%, sida uu caalamka oo dhan hoos uga dhacay.Haddii u talaabadaas ku dhaqaaqo,  sicir-bararku hoos ayuu u dhacayaa.
 
La soco qormada danbe.
 
Drs. Hoodo Yusuf, London.

News Related