Published:

Hargeysa-(GNO)-Safiirka Somalilamd ee u fadhiya dalka Ethiopia, oo fadhigiisu yahay magaaladda  Addis Ababa, Maxamuud Adan Jaamac Gallaal, ayaa ka hadlay sida loo qaybiyay deeqaha waxbarasho ee ay Somaliland ka heshay Ethiopia, taas oo uu safiirku si kulul carabka ugu ballaadhiyay, in deeqahaa Waxbarasho si cadaalad ah loo qaybiyay, waa siduu hadalka u yidhiye, inkasta oo aanu safiirku mar kaliya carabka ku dhufanin masuuliyada Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, oo qaranka uga masuul ah siyaasada hagida maamulka Waxbarasho ee dalka.
Hadalkan jawaabta

ah ee shakiga weyn dhaliyay ee safiirka, ayaa ka danbeeyay kaalintii uu safiirku ku lahaa warar muddooyinkii u danbeeyay ay saxaafada maxaliga ah ee Somaliland,  ay si isdaba joog ah uga baahinaysay tafaasiisha musuq iyo wax iska daba marin lagu sameeyay deeqihii waxbarasho ee ay Somaliland ka heshay Ethiopia, iyo kaalintii uu safiirku ku lahaa arrintan, taas oo safiirka si weyn uga cadhaysiiyay.

Safiirka ayaa luqad aan la fahmin oo muran weyn oo dareen leh ka dhex dhalisay bulshada dhexdeeda iyo maamulka sare ee dalka kaga jawaabay hadal haynta deeqahaa la musuqay iyo kaalinta uu safiir ahaan ku leeyahay maamulka arrintan, isaga oo safiirku kaligii isku koobay qeybinta awooda maamul iyo tasarufka qeybinta deeqadaa waxbarasho ee muranka iyo shakiga weyn abuuray.
Waxa si weyn la isu waydiinayaa meesha uu safiirku ka keenay awood maroorsiga intaa leeg ee ee baal marsan hannaankii kala danbaynta jaranjarada maamul ee dawliga ah. Sidoo kale waxa si weyn la isu weydiinayaa hadalkii xanafta lahaa ee uu safiirku ku difaacayay khaladka uu ka galay qaranka, kaas oo uu safiirku si cad oo qaawan ugu xusay waxa uu ugu yeedhay beelo  beelo kale diidan oo beelo kale duulimaad ku ah, iyada oo tafsiirka iyo ujeedadda uu safiirku uga dan lahaa hadalkiisan ay dadku si aad ah isu weydiinayaan isla markaana safiirka looga fadhiyo cadayntoda iyo waxa uu uga jeedo.
Waxa xusid gaar ah mudan, in hadalkan ka soo yeedhay safiirku, uu ahaa mid si cad oo toos ah uga hor immanayaa warqad ku qoran afka Ingiriisida, oo maalmo yar ka hor si rasmi ah uga soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarada
Waxbarashada iyo Taclliinta sare ee Somaliland, Cabdillaahi Ibraahin Habanne, oo ku taariikhaysnayd, 23/11/2015, tixraaca  tirsigeeduna ahaa, MOE/HE/01/375-250/15. taas oo uu Wasiirku si toos ugu socodsiiay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, isla markaana uu ogaysiin siiyay safiirka Ethiopia, u fadhiya Somaliland, warqadaas oo uu Wasiirku ku sheegay deeqihii waxbarasho ee Somaliland ka heshay Ethiopia, in sifo khaldan oo cadaalad darro ah oo baal marsan sharciyadii iyo awoodihii ay lahayeen xafiiska guud ee imtaxaanadka qaranka Somaliland, iyo Wasaarada Waxbarashadu ay ku jaangooyeen qaybinta deeqahan waxbarasho loo maamulay taas oo ka hor immanaysa jaangoyntii hore ee lagu saleeyay qeybinta deeqahan waxbarasho oo lagu jaangooyay sidii ay u kala sareeyeen ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtaxaanaadkii shahaadiga ahaa ee fasalada afraad ee dalka, waxaanu Wasiirku xafiisyadaa uu sida tooska ah ugu socodsiiyay iyo kuwa ogaysiinta lehba uu uu aad ugu adkeeyay in la hakiyo isla marakaana la joojiyo meel marinta liiskaa sida qaldan loo maamulay  illaa iyo inta ay Wasaarada Waxbarashadu arrintaa dib u saxayso.
Warqadaas sida rasmiga uga soo xafiiska Wasiirka Wasaarasada Waxbarashada  oo ay ku diirsadeen dhammaan dugsiyadii iyo ardaydii ay arrintaasi sida tooska u khusaysay, ayaa waxa ka daba yimi oo shakhi weyn ku abuuray hadalkan ka soo yeedhay Safiirka ee sida tooska uga hor imanaya amarkii Wasiirka Wasaarada waxbarashada Iyo Tacliinta sare uu ku hakiyay deeqahaa waxbarasho ee la musuqay.
Si kastaba ha ahatee, Waxa si weyn isha loogu hayaa sida xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ay u waajahdo una xaliso arrintan ceebta ah ku ah qaranka iyo habmaasuukii dawladnimo, iyada oo, dhacadadan hadii aan sida ay tahay loo saxin abuuri karta jahawareer iyo kacdoono hor leh, waxa kale oo ay dadku si weyn u hadal hayaan sida indho la’aanta ah ee uu safiirku u xajiimeeyay saxaafada xarta ah ee Somaliland, isaga oo kula galgashay saxaafadda hadalo isugu jira deelqaaf iyo  hanjabaad aanay mutaysan. isaga oo ka xun kashifaada ay saxaafadu banaanka soo dhigtay musuqa iyo wax is daba marintan lagu sameeyay deeqahaa waxbarasho.
FIIRO HAAR AH- Hadaba, xafiiska wararka ee Shabakada caalmiga ah ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa, waxa uu halkan idiinku soo bandhigayaa nuqul ka mid ah Warqadaa uu Wasaiirka Wasaarada waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Cabdillaahi Ibraahin Habanne uu kaga hadlay kunna joojiyay deeqahaa waxbarasho ee la musuqay, oo ay heshay Hadhwanaagnews, taas oo u dhiggnayd sidatan.

 

News Related