Published:

Madaxda xukuumadda oo Doolar garaysata lacagaha Miisaaniyadda

CabdigoodHargeysa(GNO) sarrif bararka ay xukuumadda Somaliland iyo dadweynaheedu ka qayl-yayaan ayaa la ogaaday in lagu beego bisha dhamaadkeeda illaa horaanteeda, taasoo lagu sababeeyey inay ka dhalato lacag Somaliland-ta ka soo baxda Baanka oo la Doolar gareeyo.

Ilo wareed u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa Baanka ayaa sheegaya in lacagaha mushaharooyinka ee ay xukuumaddu bixiso masuuliyiinta la siiyaa markiiba Dolar u bedeshaan maadaama biilasha ay qaataan ay ku isticmaalaan Dollar.

Sidoo kale, Mushaharooyinka loo diro goboladda Dalka ayey iyana madaxda maamushaa u bedeshaa Dolar, waxaanay goboladda ugu diraan Doolar, iyadoo lacagahaasi laga dhex sameeyo macaash laga dheego gacmaha kala duwan ee ay lacagahaasi marayaan.

Waxa iyana la sarrifaa lacagaha kale ee ay xukuumaddu u isticmaasho Iibka, kuwaas oo ah lacago badan oo saamayn ku yeesha Suuqa sarrifka marka ay jiraan qandaraasyo waaweyn oo qiimaha iibkoodu aad u badan yahay.

Guddida dabagalka iyo ilaalinta Hantidda Qaranka oo kormeer ku soo samaysay goboladda dalka qaarkood ayaa dhawaan soo bandhigay in 98% lacagaha Miisaaniyadda ugu jira goboladaas lagu isticaalo hargeysa, taasoo marag u noqonaysa in malaayiinka shilling Somaliland ee miisaaniyadaasi bil kasta Dolar loo bedesho.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa guddi u magacaabay dhibaatada sarrif bararku bulshada ku hayo, hase yeeshee mar kasta waxa lagu danbabasaa mushkiladdan lacago la galayo suuqa, kuwaas oo dajiya xumada sarrif bararka, balse dhamaadka bisha waxa uu ku noqdaa bartiisii.

News Related