Sheekh Abdirahman suleiman bashiir oo maanta si gooni gooni ah ula kumay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo xisbiyada macaaradka reer djibouti oo dhan.
Hadaba kulankii gooni goonida ahaa ee uu maanta sheekhu la yeeshay bulshada reer djibouti ee kunool dalka belgium ama degan dalkan kulankaas waxaa gundhig u ahayd midnimada iyo hawlgalka bulshada reer djibouti ee ku dhaqan dalkan belgium.
Ka soo qayb galayaashii shirarkan oo ay wajigooda ka muuqatey farxad ,kalsooni iyo rayn rayn ay ku faraxsanaayeen shirkaas ay la qaateen sheekhii weynaa ee reer djibouti sheekh abdirahman bashiir.
Hordhicii guulaha ka soo baxay shirkii maanta ayaa durba la isla dhaxmaraayaa taasi oo maanta isku keentey dhamaan bulshada reer djibouti ee degan dalkan belgium umadan degan dalkan waxay ku farxeen inuu u yimaado sheekh abdirahman bashiir oo ku yimidey buuqasho gaaban dalkan belgium.
Shirkii uu maanta Sheekh abdirahman bashiir uu u qabtey umada reer djibouti dadkii farahabadnaa ee maanta shirka ka soo qaybgaley wuxuu u sheegay iney adkeeyaan midnimada dadka reer djibouti iyo wadajirka dadkeena.
Sheekhu wuxuu u sheegay dadkii halkaas iskugu yimiday in dalkeenu u baahan yahay cadaalad midnimo,wadajir isku duubnaa sinaan wuxuuna ku daray iney soo dhawdahay in dalkeenu noqdo dal cadaaladu shaqayso taas ayaan ku dadaaleynaa ayuu ku soo gabagabeeyey.
Xafiiska brussels
Gabileynewsonline.com
Brussels