Published:

SIXIR BARAKA IYO SARIFKA SAMADAA MARAAYA XUKUUMADAA SABAB U AH     QORE/ Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi……QAYBTII 2aad
——————————————————————————————————————-

Qormadii horre waxa aan kaga soo hadalnay kuna sharaxnay sababaha keenay sixir-baraka iyo roolkii shaqo ee uu ku lahaa bangigu kaasi oo uu guud ahaanba gabay bangigu in uu u shaqeeyo sidii la rabay,
qarmadeenan maantana waxa aan kaga hadli doonaa kaalinta ay ku leeyihiin
sixir-bararka, W/ MAALIYADA iyo W/ GANACSIGU, labadaasi hayadood oo qaranka u haya shaqooyin mihiima, inta badana ay ku tiirsan yihiin dhaqalah dalku, dhinackasta oo laga eegaba, ugu horayn waxa aan is way diin doonaa labadan wasaaradood rooll shaqo ma ku lee yihiin mise kuma laha
SIXIR-BARARKA? si aan jawaab waafiya ugu helno su’aasheenaa waa in aan ka warbaixinaa kaalinta shaqo ee ay qaranka ugu jiraan labadan wasaaradood.

W/ MAALIYADA- W/Maaliyadu waa mid kamida hayadaha ugu balaadhan dawlada hadanay noqon ta koowaadba waxa ay ka howlgashaa dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaana ka howlgala shaqaale aad u tiro badan W/Maaliyadu waxa ay ka kooban tahat todoba waaxood oo waa wayn kuwaasi oo kala ah.
1- waaxda miisaaniyada
2- waaxda cashuuraha beriga
3-waaxda kastamada
4-waaxda qorshaynta
5-waaxda xisaabaadka
6-waaxda shaqada iyo shaqaalaha
7-waaxda odhedka ( internal audit).

dhamaan waaxahaasi waxa ay wasarada iyo qaran kaba u hayaan shaqooyin mihiima ku waasi oo la’aan tood aanay wasaaradu si habsami le u shaqayseen, hadab waxa aan si taxadirle uga hadli doonaa shaqooyinka ay qabato W/Maaliyadu inaga oo soo qaadan doona kuwa ugu mihiimsan iyo sida ay u shaqeeyaan.
                SHAQADA AY QABATO W/MAALIYADU

-ururinta cashuuraha
-samaynta miisaaniyada
-bixinta kharashaadka dawlada
-dakhli kordhinta
-waxa ay qaabaysaa siyaasada maaliyadeed ee dalka
-waxa ay fududaysaa arimaha dhaqaale ee dalka
-waxa ay samaysaa maalgalin si ay dhismaan kaaba yaasha dhaqaale
– waxa ay dejisaa siyaasada ay ku shaqeeyaan lacaguhu
-waxa soo mara deeqaha dhaqaale ee aan aduunka ka helno
-waxa soo mara daymaha.

dhamaan adeeg yadaasi iyo kuwo kale oo halkan aynaan ku xusin waa shaqooyinka, W/Maaliyadu ay u hayso qaranka kuwaasi oo aan u shaqeeyan sidii la rabay, in yar mooyaane W/Maaliyadu inta badan ma qabato adeegyadii mihiimka ahaa ee ay u haysay dawlada iyoshacabka, kaliya waxa ay ku koobantahay cashuur ururin laga qaado in kooban oo ganacsataa, dakhli kordhin, iyo samaynta miisaaniyada, kuwaasi oo dhamaantood  ka qayb qaata
sixir-bararka, markasta oo ay korodho miisaaniyada qaranku waxa yimaada sixir-barar taasi oo ay sabab u tahay kordhinta cashuuruha.
koradh miisaniyadeedka wasaaradu waxa uu markasta ku salaysan yahay kordhinta cashuuraha oo kaliya, wasiiradeenuna malaha xirfadkale oo kor loogu qaado miisaaniyada, sida kharash dhimista, qaadista cashuuro aan hore loo qaadin oo halkooda ku baaqsada, in kasta oo cashuur la kordhiyaana waxa ay  dulsaarantahay sixirka lagu iibinaayo alaabooyinka la cashuuray,
TUSAALE:hadii kiishka bariiskaa lagu cashuuri jiray 1000shilin lana kordhiyo oo laga dhigo 1500shilin, cashuurtaasi koradhay waxa ay dul saarantahay kiishkii bariiskaa qiimihii lagu iibinaayo,  aragtidaasi waxa ay inoo sheegaysaa in lacagtaa cid lagu kordhiyay ay tahay shacabka wax laga gadaayo ee aanay ahayn ganacsatda. halkaasi waxa aan ka fahmi karanaa markasata oo lakordhiyo cashuuraha dalku in ay kordhaan qiimaha lagu iibiyo alaabooyinka waxaana halkaa ka abuurmaaya SIXIR-BARAR.

W/Maaliyadu masamayso maalgalin, mana abuurto ilo dhaqaale, intabadana masamayso shaqo abuur, ku waasi oo ah wax yaabah lagula dagaalamo sixir-bararka, dhanka kale ma kaantoroosho lacagah qalaad ee dalka soo galaaya iyo kuwa uu soo daabacaayo bangigu, oo aan xadi lahayn waxaana ay asal u yihiin lacagahaasi qalaad iyo kuwa la daabacayaaba kor u kaca sarifka,
shaki la’aan waxa aan odhan karana W/Maaliyadu waxa ay baylihisay shaqooyin mihiima oo ay u ahysay qaranka waxaana ay qayb ka tahay shaqo la’aanta,
sixir-bararka, kor u kaca sarifka,
Wasiirada soomara wasaarada maaliyadu waxa ay ku tartamaan sidii ay u kordhin la haayeen miisaaniyada, una gaadhsiin la haayeen halkii uu gaadhsiiyay wasiirkii ka horeeyay waana sababta keentay in sanadkasta maceeshadu sii korodho.
kamana fikiraan in ay la yimaadaan aqoon iyo xirfad lagu dhiso kaabayaasha dhaqaale ee dalka, wasiirada soo mara wasaarada maaliyadu kama fikiraan sidii loo dhimi lahaa kharashaadka dawlada ee meel cidlaa ku baxaaya kuwaasi oo u badan shiidaalka gaadiidka oo aan loo isticmaalin shaqadii qaranka, qalabka xafiisyada oo aan la kaantoroolin, kharashaadka ay soo dalacdaan hayadah dawladu oo aan loola xisaabtamin si xeeldheer,
kama fikiraan sidii loo qaadi lahaa cashuuraha mihiimka ah ee aan la qaadin mana sa meeyaan waxa maal galina, xaqiiqtan waxa aan odhankarnaa duruufaha dhaqan dhaqaale ee dalka qayb weyn bay ka tahay wasaarada maaliyadu hadii .
W/GANACSIGA- qaybta labaad ee qormadeenan waxa aan ku eegi doona kaalinta ay ku leedahay  W/Ganacsigu sixir-bararka ka jira dalka, maadaama oo ay tahay wasaarada ku shaqada leh ganacsiga dalka, ugu horayn si dul ka xaadis ah waxa aan u iftiimin doona shaqada ay qabato wasaarada ganacsigu.
 SHAQADA W/ GANACSIGA wax yaabaha ugu mihiimsan ee aan ka xusi karno
waxa ka mida,

-bixinta liisamada
-qiimaynta shirkadaha ganacsiga
-kala xadaynta ganacsiga
-ilaalinat wax yaalaha dalka soo galaaya
-jaan gaynta alaabaha dalka soo gala
-dejinta siyaasada ganacsi ee dalka

shaqooyinkaasi iyo kuwo kale waxa ku shaqo leh wasaarada ganacsiga,
ku shaqayntooda iyo hirgalintoodu waxa ay mihiim u yihiin koboca dhaqaale ee dalka, waxa ay mihiim u yihiin korniinka ganacisga, W/Ganacsigu kama ay hirgalin dalka kala xadaynta ganacsiga, mana jiro min qiyaas ama halbeeg lagu kala saaro gancsatada dalka kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn ee muwaaridkaa      ”JUMLADLE” iyo ”TAFAARIIQLE”,
Wax yaabaha khatarta ku ah ganacsiga sahlana in uu yimaad sixir-barar waxa ka mida kala xadayn la’aanta ganacsiga,  kii keenay ama soowaariday alaabooyinka ayaa taafaariiq ku iibinaaya badeecadii taasina waxa ay sabab u tahay in suuqii iibku xumaado sixirada iibabkuna is gaadhaan,
iibkii suuqyaduna waxa ay noqdeen jaantaa rogan, halkaasina waxa ka dhashay in gacsigii uu ku yimaada faashil iyo kantorool la’aan, taasina wax ay abuurtaa sida ka muuqata suuqyada somaliland qiimo dhac, iyo kor ukac, sababa in uu yimaado SIXIR-BARAR,
ilaalinta iyo jaangoynta sixirada iibka suuqyadu waxa ay ilaaliyaan in qiimaha maceeshadu ama sarifku kor u kacaan taasi hirgalinteeda waxa iska leh wasaarada ganacsiga, haba yaraatee waxa ay ka qabatayna ma jiraan, qadiyadaasina waxa ay faashil siyaasiya ku tahay xukuumada iyo wasaaradeeda ganacsiga, marka si mugle loo qiimeeyo duruufaha keena sixir-bararka waxa asal u ah xukuumada oo aan uga shaqayn sidii loogu talo galay xaaldaha dalkana aan ugu kuur galin si dhab ah oo ka turjumaysa baahida dalka iyo dadka wax yaabaha mihiimka ah ee xukuumada iyo wasaaradeeda ganacsigu aanay waxa ka qaban dhibaatan ku haya iibka maceeshada waxa ugu horeeya xaraynta raashinka kaasi oo ah qaab kor laagu qaado iibka ascaarta,
TUSAALE: shirkadaha keena bariiska ama sonkortu waxa ay dhigayaan alaabooyinkooda istoodho iyada oo suuqa looga baahan yahay ama waxa ay tashkiilinayaan iibkooda si ay usoo saaraan marka suuqa ay ka baxdo ascaartii tooda lamidka ahayd waxaana ay kor uga qaadaan qiimihii asalka ahaa ee marka hore lagu ii binaayay,  hadii kiishka sonkori ahaa 20$ waxa laga dhigayaa 25$ taasina waa xeelada ama farsamo sixirka alaabooyinka kor loogu qaado waxaana masuuliyadeeda leh wasaarada ganacsiga, midhkaasina waa mid ay gabtay.

  AFMEER
———————
Qormooyinka mataanahaa waxa aan ku soo afmeerayaa  kuna soo koobayaa labadaasi qormo oo aan u soo diyaariyay si ay ku jirto cilmi baadhis xeeldheer uguna  kuurgalay wax yaabaha rasmiga ah ee keena sixir bararka iyada oo masuuliyada koowaad ay leedahay xukuumadu,
waana midh waajib ku ah qofkasta oo mu waadin ah  in uu ka hadlo hadba xaaladah ina horyaala ee manfaca iyo waxtarka u leh bulshada somaliland si looga baxo duruufaha nololeed, aqooneed, akhlaaqeed,diineed, ee lagu jiro waxaana wacan in qofkastaa qaato kaalintiisa insha aalaaha waxa aan soo qori doona qormo kale oo hadlaysa sidee looga bixi karaa SIXIR-BARARKA taasi oo aan ku samayn doono cilmi baadhis, talooyin, iyo tusaalayaal badna aan ku soo ban dhigi doono insha allaah waynu ka wada socon

QALINKII/ Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi
Tell/ 063-4421963
date= 10/12/2015
allaah ayaa mahadleh

News Related