Somaliland: Tirada Dadkii ku dhintay Dagaalkii Baliyo Xasan
Baliyo Xasan (GNO) Deegaanka Baliyo Xasan oo dhanka koonfur bari kaga beegan Gaashaamo gaar ahaana degmada Danood ayaa waxaa shalay ku dagaalamay laba beelood oo wada dega deegaankaas, halkaas oo uu ka dhashay khasaare sababay dhimasho iyo dhaawac.
Waxay dhimashadu gaadhay 10 qof oo ah beelihii uu dagaalku dhex maray, kuwaas ka soo kala jeeda dhalasho ahaan. Buuhoodle(Dhulbahante) iyo gobolka Togdheer(Habaryoonis).
Lix ka mid ah magacyada dadka geeriyooday oo Wargayska Warsugan loo xajiijiyay ayaa asal ahaan ka soo jeeda dhanka Togdheer, inkasta oo aanan helin magacyadooda oo dhamaystiran, waxaanay kala yihiin 1. Ismaaciil Aw Yaasin, 2 Fu’aad-shaarub Cabdi Cali Koor. 3. Ina Axmed Ciise Dalab.
Sidoo kale dhanka Buuhoodle dadka ku naf waayey dagaalka ayaa nala xaqiijiyey tilmaanta saddex qof kuwaasi oo kala ah 1. Ina Mixile Dhible. 2. Ina Xasan Jiis. 3 Ina Maas.
Waxaa jira dhaawacyo labada dhinac ah, in kastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhaawaca.
Dagaalkan ayaa ka qarxay baraag laga sameeyey deegaanka, waxaanay dadka xogogaalka ahi sheegeen inay qaboojinta dagaalka soo kala dhex galeen ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee ku sugan Danood iyo odayaasha deegaanka qaar ka tirsan.