Published:

23478488631_236dab87fd_m ee xarunta Midowga Yurub. Munaasabadan oo si wayn loogu taageerayey Musharaxa madaxwaye iyo ku xigeenkiisa Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdillahi. Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybeheeda kala duwan. dhamaan dadkaa oo taageero buuxda u muujiyey musharixiinta Kulmiye. waxa kale oo ka soo qayb galay Jaliyada reer Jabuuti ee Canfarta iyo Soomaaalida iyo jaliyada dawlad degaanka Itoobiya. Halkaa oo hadalo dhiiri galin ah iyo ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah lagu soo bandhigay.

kullmie belgium3

 

Waxaa kale oo hadalo ka jeediyey madashaa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee dalka Beljim. Gabagabadii waxay fariin u direen shacabka reer Soomaaliland in ay taageradooda u muujiyaan xisbiga KULMIYE oo waxbadan ka qabtay dalka intii uu talada dalka hayey, oo uu qabtay wax la taaban karo. Waxaa ay u rajaynayaan in shacabku si gobonimo leh ugu abaal cewliyaan oo codkooda u siiyaan Xisbiga Kulmiya sannada 2017 haddi Rabbi yidhaa.

kulmiyebelgium

 

Ugu dambeyntii waxay Madaxweynah Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, u direen dhabaal ay ugu hambalyeynayaan Go’aankii geesinimada lahaa ee uu Musharraxnimada Xisbiga kaga tanaasulay, iyagoo tilmaamay inuu qaatay go’aan uu taariikhda Somaliland Baal Dahab ah kaga qormayo.

News Related