Published:

Tayo xumada daawooyinka dalkeena somaliland.By maxamed jeex

Maanta qoraalkeenu wuxuu ku saleysan yahay dhibaatada daawow xumida haysata dalkeen laga soo bilaabo burburkii 1991 dalkii la isku odhanjiraya somaliya ilaa gooni isutagii ama la soo noqoshadii dalkeena somaliland waxaa inagu soo kordhay daawo oyin bilaa ku waalati ah.

Hadaba burburkii dhacay kabacdi waxaa dalkeena soo galey daawooyin tayo daran leh VERY PAD QUALITY DRUGS ku waasoo aan la soo kontaroolin oo wata dhibaatooyin xaga caafimaadkana wax weyn yeelaaya oo dhibaato ku haya dadka buka iska daa iney ku caafimaadanle waxay wax yeelaan dadkii xanuunsanaayey.

Waxaa muhiim ah iney bulshadu iska eegaan daawada ay iibsanayaan qofka bani aadam ka ahi maahin in daawo waxyeeleysa noloshiisa laga iibiyo taasoo mudooyinkii dambe dhibaato aad u weyn ku haysa bulshadeena lagama fiirsanaayo waxay dhib u keenayso dadkeena,daawooyinkan loo keenaayo ee noqdey kuwa aan faa,iido u keeneyn dadkeena lamana qiyaasi karo inta shaqsi ee ku naf weyda sanad walba ee ku dhimata daawooyinkan la keeno dalkeena daawo dhacday baa la siiyaa bugaan jiifka dhakhtarada dalka somaliland.

Daawooyinka bilaa qiyaasta ah ee lagu soo daabulaayow dalkeena waxaana masuuliyadaas iska leh dadka baayac mushtariga ah ee daawada keena dalka.

Sidaasi darteed waxaan leenahay waa in wasaarada caafimaadku iyo wasaarada qorshaynta qaranka iyo dawladuba waa iney koontaroolaan tayaada daawo kastoo la keeno dalkeena haddii kale bulshadeenii caafimaad xumo ayaa ku habsatey iyo waxyeelooyin daawodaradu ay keento DRUGS SIDE EFFECTS SKIN ALLERGIC KIDNEY DAMAGE HEART ATTACK CANSER DIABETIC AND COMMON DISEASES IN THE COMMUNITY . Waana in laga taxadiraa waxaa soo dhan oo dhibaata u keenikara wadankeena waa in dawladu ay ka hortegtaa.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

News Related