Published:

Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somaliya Nikolas Kay oo maanta imanaya Hargeysa

Nikolas Kay ayaa lagu Xasuustaa in uu dibin-daabyo iyo Shirqoolo is daba joog ah ku hayey Somaliland mudadii uu xilka hayey

Hargeysa(GNO) Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somaliya Nikolas Kay ayaa la filayaa in uu maanta yimaado Hargeysa, isagoo wadahadal la yeelan doona madaxda Somaliland.

Nikolas Kay oo wakhtigii uu xilka hayey ka dhamaaday ayaa socdaalkiisu la xidhiidhii sidii uu kursiga usii sagootin lahaa, iyadoo la filayo in uu xilka ku wareejiyo masuul cusub oo loo soo magacaabay.

Nikolas Kay ayaa lagu xasuustaa in uu dibin-daabyo iyo shirqoolo is daba joog ah ku hayey Somaliland mudadii uu xilka hayey, waxaanay marar badan isku dhaceen Madaxda Somaliland.

Nikolas Kay waxa uu ahaa masuul u xusul-duubnaa danaha Somaliya, isagoo mar walba ku hadaaqi jiray weedho damqaya qaranimada Somaliland, waxaanu ku caan baxay in uu ka hor yimaado awaamiirta ay Somaliland kaga hor timaado danaha qaldan ee uu la shir yimaado.

News Related