llaha unaxariistee Marxuum Taliyihii Ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil Aaden Talaabo ayaa Maanta Dil Toogasho ah uu ku dilay nin ka mid ahaa Ciidankiisa oo lagu Magacaabo gacan ku dhiigle  Dable Cabdirisaaq Maxamed khayre kaasi oo ka dhacay Magaaladda Berbera .

Dilkani Askarigu ku dilay Taliyaha oo aan ahayn kii Koowaad ee Noocan oo kale ah lagu khaarajiyo Taliye ka mid Ciidanka Booliska ayaa Sida Wararka Naga soo gaadhaya Gobolka Saaxil ayaa sheegaya markii Dilkaasi dhacay Waxa ka dhacay Magaaladda Berbera Kacdoon Gadood ah oo Shacbigu ay ka sameeyeen Magaaladda Berbera waxaana Warar aan Lagu Kalsoonaan Karin ay sheegayaan in Dadkii ka gadooday Falkaasi Waxshinimadda ah Qaarkood la xidh xidhay Kuwaasi oo Mudaaharaad kala Hortegay Ciidanka Shabakadda Gabileynewsonline.com oo Khadka Telefoonka Gacanta Kula Xidhiidhay Marwo Samsam Aden saleebaan oo ka mid ah qaraabadda Marxuumka kuna sugnayd Magaaladda Berbera ayaa noo Xaqiijisay inay Dadkaasi Kacdoonka sameeyay ay Codsanayeen inay Sharciga Mariyaan Askarigaasi .

Marwo Samsam Aaden saleebaan Waxay Dawladda ka Codsatay inay sida ugu Dhakhsaha badan Loo Qisaaso Askarigan haddii taasi dhici waydana waxay sheegtay inaanay Eheladda iyo reer Saaxil marna aanay aqbali doonin wax ka baxsan in isagana loo dilo waxaanay Tacsi u dirtay eheladdii iyo Ciidankii uu ka baxayba in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo .

Dhinaca Kale Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Warbaahinta Dawladda ka Hadlay Maanta ayaa Sheegay inay Gacan ku dhiiglihii Askariga ahaa Gacanta ku Hayaan Isla markaasna Waxa uu sheegay in Sida ugu Dhakhsaha Badan Sharciga la marin doono waxaanu ka tacsiyadeeyay Geeridaasi Foosha Xun Eheladdii iyo Qaraabaddii uu ka baxay Marxuumkaasi .

Warar kale oo aanu Hayno ayaa sheegaya inuu Taliyaha Dhintay Tiraba Dhawr jeer Codsadday Markii uu Noolaa in Ninkan laga bedelo Askarigan islamarkaasna Maamulka Booliska ee Sare ka dhego adaygay inay wax ka qabtaan gacan ku dhiiglahan .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here