Published:

Hargeysa(Yool) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa golihiisa Wasiiradda, Maareeyayaasha iyo Agaasimayaasha guud ee hay’adaha Dawlada, waxa uu ku amray inuu shaqada ka tago qofkii aan si niyadsami leh ugu shaqaynayn rabitaanka hoggaanka iyo Siyaasadda Xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Ma jiro war faahfaahsan oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo si cad arrintan u iftiiminaya.

Hase-ahaa-tee, xoggo Wargeyska Yool u ka helay ilo ku dhow-dhow fadhi gaar ah oo Madaxweyne Siilaanyo Madaxtooyadda Shalay kula yeeshay golihiisa Wasiiradda iyo Masuuliyiinta madaxda ka ah Hay’adaha Dawlada, waxa ay tibaaxen in markii Madaxweyne Siilaanyo si guud uga warsaday hawl-wadeenadiisa warbixinaha hay’adahooda, kaddib aakhirkii uu amray Masuuliyiinta uu kulanka la qaatay, inay si buuxda ugu shaqeeyan rabitaanka iyo Siyaasadda Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Waxana xoggaha kulanka laga helay intaa ku darreen in Madaxweynuhu masuuliyiinta u kulanka la lahaa usoo bandhigay inay kala doortaan inay xilka ka tagaan iyo taageerada Musharraxa cusub ee Xisbul xaakimka. 

 Geesta kale, Warsaxaafadeed xalay kasoo baxay qasriga Madaxtooyada kuna saxeexan yahay afhayeenka cusub ee Madaxtooyadda, ayaa xaqiijiyey jiritaanka kullankan Madaxweynaha, Wasiirada,Wasiirul dawlayaasha, Wasiir ku-xigeenada, Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha dalka oo dhan. Waxa kaloo, warsaxafadeedka lagu sheegay intii kulanku socday in Madaxweynaha iyo masuuliyiintu is weydaarsadeen afkaaro iyo aaraah dulucoodu tahay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha qaranka, sidoo kale, qaabkii loo xoojin lahaa isfahanka iyo hanaanka wada shaqayneed ee u xidheexaya Wasiiradda iyo agaasimayaasha guud. Ugu danbeyn sida warsaxafadeedka lagu sheegay, waxa Madaxweynuhu kulanka kusoo afmeeray, hadallo iskugu jiray dardaaran, duco iyo dhiiri-gelin u jeediyey Masuuliyiinta waaxda fulinta.

Haddaba, sida uu dhigayo Xeer nidaamka ururada iyo asxaabta Siyaasadda XEER No. 14/2011 qodobka 14, farqadihiisa 1, 2, 3, iyo 4-aad, waxa ka reeban shaqaalaha dawlada sida Maareeyaasha iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha fulinta. Inay furtaan ururo siyaasadeed ama kamid noqdaan, sidoo kale, in loo magacaabo Xafiis urur Siyaasadeed, iyo weliba inay ku lug yeeshan arriimo asxaab ama urur, taasoo hadii ay dhacdo lumin kartaa dhex-dhexaadnimada Xafiiska uu joogo. Waxa kaloo ka reeban taageerida ama kasoo hor-jeedsi Xisbi ama Urur Siyaasadeed.

Qodob kaasi oo faah-faahsana waxa uu dhignaa sidan: Qodobka 14aad: Reebbanaan

Uma banaana qof kasta oo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida: Ciidanka qaran, Booliska,

Ciidanka Asluubta, hay’adaha sirdoonka qaranka, Ururada aan Dawliga ahayn, shaqaalaha

dowlada (civil servant) iyo xubnaha ka tirsan Garsoorka, Xeer-ilaalinta, iyo gudidda

diwaan galinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka in ay:

1. Samaystaan Urur Siyaasadeed iyo xubin ka-noqoshadiisaba.

2. In loo magacaabo xafiis Urur Siyaasadeed.

3. Ku lug-yeelato arrimo Axsaab/Urur oo luminaaya dhex-dhexaadnimada xafiiska uu joogo.

4. Taageerid ama ka-soo-hor-jeedsi Xisbi/Urur Siyaadadeed..”.

Haddaba, sida qodobada Xeerkani dhigayan, waxa muuqata in tallaabadan Madaxweynuhu ku amrayo Maareeyaasha iyo Agaasimayaasha guud ay tahay mid si cad uga hor imaneysaa shuruucda iyo xeerarka Qaranka u degsan, waxa kaloo, iyana tallaabadani ka markhaati kacaysaa sida Xukuumada tallada haysa ugu tumato Dastuurka iyo shuruucda ka farcamay.

Maha markii ugu horreysay ee Masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha dawladu ee siyaasadda ka caagan Xukuumadda tallada haysaa ku dhex misho arrimaha Siyaasadda, kuna booriso inay ka dhex muuqdan shirarka Xisbiga KULMIYE, isla markana u hawl-galaan sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen, hase-yeeshee waxa arrimahan oo dhammi suurta galiyey qararkii Madaxweynuhu ku xalaaleyey Ninkasta oo Xukuumada ka tirsan oo hayaa xil wasiir ama agaasime inuu si toosa ah xubin uga noqonaayo golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, halka Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka xubinnimadooda ay ku helayaan marka ay Xisbiga Codsi usoo qortaan.

Arrimahan oo dhan ayaa marka la isku geeyo, waxa ay marag fur buuxa u yihiin in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tallo gashay in Somaliland noqoto dal lamid ah Wadamadii Nidaamka Shuucigu ka talin jiray, isla markana aan laga ogolayn inuu ka hirgalo nidaamka Asxaabta badan ee ku saleysan Doorashooyinka laga baxo Codka hal-dheeri ah. Waxa kaloo, la tijaabiyey in Nidaamkan Madaxweyne siilaanyo iyo Xisbigiisu ku dhaqmayaan uu khatar ku yahay sinaanshaha Nolosha Bulshada, isla markana uu abuuro Nolool ku dhisan nidaamka hanti goosiga, oo Bulshada u kala saaraya laba dabaqadood oo ah mid Cirka joogta iyo mid beerka dhulka ku haysaa.

Xisbiga KULMIYE oo Isku Qiray Abaabulka Eygii Calaanka Waddani loo Xidhay Iyo Shirqoolada Cusub

Hargeysa(Yool)-Qaar kamid ah Haweenka Xisbiga tallada haya KULMIYE ee Gobolka Gabilay, ayaa dhabarka u ritay Masuuliyadda dhacdadii Calanka Xisbiga WADDANI Eyga loogu xidhay, sidoo kale-na, sheegay in dhinacooda aanay u kala duwananayn  Xisbiga WADDANI iyo Xayawaanka Eydu. Sida waxa lagu sheegay War maqal iyo muuqaal Vidoa ah oo sita Magaca iyo astaanta Televionka SOMALINEWS Tv.

Warkan oo kamid ah macluumaadkii uu Xalay baahiyey Tv-ga Somali News oo dhamaa Afar Minit, sidoo kale-na uu Cod ahaan kusoo tabinaayey Cabdirisaaq Axmed Hayaan ilkacase, oo isagu Gobolka Gabilay Wakiilka uga ah Tv-gaas. Haweenka reer KULMIYE ee muuqooda iyo Maqalkoodu Xalay ka baxay Tv-ga, iyagoo ku hadlaya Afka Xisbiga KULMIYE, waxa ay sheegen in tallaabadii Calaanka Waddani loo xidhay Eyga ay hayd mid markhaati u ah nacayba ay u hayaan Xisbiga Waddani, sidoo kale, mid kamid ah Haweenkaas ayaa dhacdada ku cabirtay sida ay u araagto in Xisbiga WADDANI iyo Xayawaanka Eygu u siman yihiin deegaanka Gabilay, waa sida ay hadallada ugu dhawaaqday’e.

Inkastoo Wiilka Tv-gu Warka usoo tabinayey aanu sheegin Magacyada Haweenkaas, hadana laba kamid ah haweenkaasi, waxa ay ku jeeni qaarnaayeen Calanka Xisbiga KULMIYE, hadalladoodina waxa kamid ah “..Ta Mudaharaadka haddii laga hadlo, waxa lagu Mudaharadayey Xisbiga WADDANI waana nacaybka loo hayo Xisbiga iyo mid kaloo Mucaarid ah-ba. Waxa ay Calankii Waddani usoo xidheen Ey micnaha Eyga waxa la yidhahdaa WID-WID, waxaan leenahay Xisbiga Waddani WID-WID ayaad ka tahay deegaanka..”.

Haweenay kale oo isla amuurtan ka hadlashay, iyadoo huwan Calanka Xisbiga KULMIYE, waxa ay sheegtay in ay taageero u yihiin Xisbiga KULMIYE, sidaas darteedna  Xisbiga WADDANI uu agtooda ka yahay Nijaas “..Waxa aanu taageersan nahay KULMIYE, ma doonayno WADDANI mana rabno, xagayagana waa ka Nijaas..”.

Dhacdadan oo markii hore ku bilaabantay War Been Abuur ah, oo Salaasadii Todobaadkan uu Wariyahan warka Xalay soo diray u usoo tabiyey Televoinka Maxaliga ah ee BULSHOTV, kaasoo uu xagga danbe ka raaciyey War ku saabsan Wafti ka socday Xisbiga WADDANI oo kormeer shaqo ku tagay Xaruunta Gobolka Gabilay. Warka Been abuurka ah oo ku saabsanaa muuqaalka dad Mudaharaad dhigayaa, oo kabo taagaya, iyo sidoo kale, Ey taagan hadh-qoodaal Guri oo muujinayaa xiliigaasi yahay waqti Cad-ceed dhac ah. Arrintaa markii laga daawaday Tv-ga Bulsho habeenimadii arbacada waxa ka dareen celiyey masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo uu kow ka yahay xoghayaha guud Maxamed urcade, ay wada xidhiidhen Maamulka Tv-ga cali faarax Xarbi oo isagu muujiyey sida uu uga xun yahay dhacdadaas.

Hase-yeeshee, Mulkiilaha Tv-ga iyo Masuuliyiinta Xisbigu aakhirkii waxa ay isla qaateen si dhacdada ay u xaqiijiyan in mulkiilaha iyo xubin kamid ah Xisbigu safar ku tagaan Gobolka Gabiley si ay sheekada gunteeda usoo xaadhan. Intaa kadib markii labada dhinac ay Gobolka Gabilay gaadheen, isla markana xog-waran la yeeshen Masuuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka, waxa labada dhinacba u cadaatay in haba-yaaratee aanu jirin Mudaharaadki la sheegay. Sidaa darteed maamulka iyo Milkiilaha Tv-ga Bulsho waxa ay go’aansadeen inay Warka been abuurka ah raali gelin ka siiyan Xisbiga Waddani, Taageerayaashiisa, gudo iyo dibad-ba iyo sidoo kale, Bulshada ku dhaqan Gobolka Gabilay ee sharaftooda meel lagag dhacay. Waxa kaloo, Milkiilaha iyo maamulka BulshoTV shaqada ka fadhiisiyeen Wariyihii iyo Wakiilkii gobolka u joogay.

Hase-yeeshee, hawshli intaa kuma joogsan waxana Xalay iyo Habeen hore halkoodii kasii socday Wararkii Beenta ahaa. Taasina waxa ay iftiimisay in qorshayaasha hawlahani ka fog yihiin sida la moodayey, sida darteedna ay jiraan qorsheyaal xidhiidhsan oo salka ku hayaa arrimo Siyaasadeed, isla markana ay jiraan dad ujeedooyin kale ka leh o arrintan dhaqaale ku bixiyana si ay usii socdaan hawlahani.

Waxana taa markhaati u ah Cabdirisaaq Axmed Hayaan Ilkacase oo ah Wariyaha keliya hawshan isagu fulinayey, isla markana ah Nin qandaraas keligii hawshan lagu siiyey. Waxa kaloo, jira dareeno muujiyana inay jiraan xidhiidhi hore oo arrintan ay ku leeyihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, iyo sidoo kale qaar kamid ah madaxda Dawlada hose ee Gabilay, iyo labada wariye ee laga joojiyey shaqada Bulsho Tv, kuwaasoo sida la sheegay uu mid kamid ahii ka tirsan yahay shaqaalaha Dawlada hose ee Gabilay.

Si kastaba aha ahaat-tee ficiladan oo ah qaar abuuri kara qas iyo fawdo hor leh hadii aan si deg-deg ah looga hor tagin, waxa Xisbiga KULMIYE ee Haweenkani afkiisa ku hadlayen looga baahan yahay in deg-deg uga jawaabo. Maadaama haweenka ay xalay qireen inay ka tirsan yihiin Xisbiga KULMIYE, sidoo kale-na ay siteen Calanka Xisbiga KULMIYE.

Marwadda Madaxweynaha oo Baajisay Safar ay Burco ku Tegi Lahayd Iyo Xirsi oo Looga Waashay Togdheer

Hargeysa(Yool)-Warar iyo xogo kala duwan oo Wargeyska Yool ka helay ilo rasmi ah oo uu dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqyada qasriga Madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa tibaaxay in la baajiyey safar Marwada Madaxweynaha Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Weris) ku talo jirtay inay ku tagto Magaalada Burco ee Xaruunta Gobolka Togdheer Axadi Todobaadkan. Kaddib cabsi ka dhalatay xoggo la xidhiidha mudaharaad ka dhan ah Safarka marwada oo la sheegay in Magaalada Burco laga abaabulaayo. Ma jiro War si rasmi ah u xaqiijinaaya Safarka Marwada oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda.

Hase-yeeshee, sida lagu xusay xoggaha Wargeysku helay, waxa qorshuhuu ahaa in Marwada Madaxweynuhu safar ku tagto agaalada Burco Axadi Todobaadkan,  kaasoo sida la sheegay salka ku hayey in Marwadu soo dhagax dhigto dhisme cusub, oo aan iluhuu tibaaxin waxa mustaqbalka dhismahaas loogu talo galay. Waxa Wararku intaa ku dareen in safarkaas la baajiyey, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Magaalada Burco laga abaabulaayo Mudaharaad lidku ah boqashada Marwada ee Gobolka iyo sidoo kale, joogitaanka Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan ee Magaalada Burco, oo darreeno iyo muuqaalo sasleh ku dhaliyey Kuugta cusub ee Madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Geesta kale, Warar isla amuurtan la xidhiidha xusen in Safarka Marwadu damacsanayd inay ku tagto Magaalada Burco uu ahaa mid ka dhashay soo jeedin Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo sida iluhuu tibaaxen nuxur ahaan dulucdiisu ahayd darreeno shaki iyo walaac leh, oo Gudoomiye Muuse Biixi kaga dhashay Safarkii xubno isbahaysiga Musharraxnimadiisa diidani dhowaan ku tageen Gobolka Togdheer. Waxana xogguhu intaa ku darreen in Gudoomiyuhu soo jeedintiisa Madaxweynaha kaga dalbaday inuu lama huraan yahay Safar Madaxweynuhu inuu ku tago Magaalada Burco, si inta uu halkaa joogo  kulamo taageero uu ugu raadinayo Musharraxnimada Muuse ula yeesho Odayaasha, Waxgaraadka iyo taageerayaasha KULMIYE ee barriga Burco.

Dhacdadan iskugu jirta walaaca iyo cabsida ee lasoo deristay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Marwada Qaranka ayaa ah fallaadh kasoo dhacaysa riddo keliya oo ah Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, oo hadda u muuqda Nin Masalihiisi dhigtay Burco, isla markaana Bu’raashada u Biyeytay inuu Geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulo siduu u beenin laha hanka Madaxtimo ee Muuse Biixi iyo Mashxaraada gelbiskii Madaxtooyadda. Waxa kaloo, ifaafalaha sansaanka hadda muuqda iftiiminayaan in loollanka isbahaysiga kasoo hor-jeeda Musharraxnimada Muuse iyo Gudoomiyaha uu saldhiga dhanka Barrigu uu noqon doono GobolkaTogdheer, halka geesta galbeedkana sida la Hidaalinaayo uu noqon doono deegaano kamid ah Gobolka Gabilay.

Si kastaba ha ahaatee, Nin Quwaax hela, Nin iskaba qada iyo mid qardheer kora, waxa arriimuhu kala cadaan doonaan, kolka Fardo fuulka la gaadho, Raguna soo kala baxo. Waxana guusha iyo guul darada labada geesood bulshada u kala cadaan doontaa natiijada Doorashada haddii Ebo inagu simo.

Xukuumadda Siilaanyo oo Damaanad ku sii Daysey Masuuliyiinta Wargeyska Hubsad

Hargeysa(Yool)-Xukuumadda Somaliland ayaa shalay Xabsiga kasii daysay laba wariye oo todobaadkan lagu xidhay amar kasoo baxay Xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, Wariyaashan ayaa la sheegay in damaanad lagusoo daayey, isla markaana kiiskooda dibada lagu dhameyn doono. Wariyaashan oo kala ahaa Milkiilihii Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tafaftirihii Wageyska Siciid Khadar Cabdilahi ayaa sifo sharciga baal marsan xoriyadooda looga qaaday dhowaan.

Hase-yeeshee Xeer ilaaliyaha guud ayaa isaaagu si cadaan ah dhabarka ugu jeediyey dariiqa sharci, waxanu Masuuliyiinta ku war geliyey sida la sheegay in aanay Iibsan karin Wargeys isla markaana aanay mid cusubna furan karin.

Madaxyooyadda iyo xubno kamid ah Suxufiyiinta ay Ood wadaagta yihiin ayaa maalinimadii shalay iska kaashay sii daynta Wariyaasha, waxana dibeda lagu keenay Damaanad, Wariyaashan ka dhigaysaa kuwo aan xidhnayn, xoriyad buuxdana aan weli helin. Si kastaba ha haatee, waxa wariyaashan afarta caano maal xabsiga xaqdarada ugu jiray, waxa xadhooda si weyn u cambaareyey Suxufiyiinta kala duwan ee ka kala hawl-gala Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland iyo sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Secja oo ka hawl galaa, gobolada bari ee aa303343f0473933c4f4c79462e45bd5_M

News Related