Hargeysa(GNO) Labadii Wariye ee Maalintii shaley Ciidamada RRU ay ka Xidheen Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil oo ay Hawlo shaqo u jogeen ayaa Xoriyadoodii Dib u helay, Kadib Markii ay Ciidankaasi ay u qadeen dhinaca Saldhiga Dhexe ee Booliiska Magaalada Hargeysa oo ay ku xidhnayeen Mudo sacado ah. Wariyayaashan oo kale ahaa Axmed Siciid Maxamed iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige ayaa Habeen hore loo soo Celiyey xoriyadoodii, waxaaney Mahadnaq iyo Wanaag ka sheegteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal imaan iyo Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Somaliland ee (Solja) Maxamud Cabdi Jamac (Xuuto) oo ay uga Mahadnaqeen Soo deynta Xadhigoodan iyo sida ay uga Shaqeyeen.
Ugu horeyna Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ah Wariyaha Kalsantv ee Magaalada Berbera iyo Tafaftiraha Shabakada Wararka ee Mandheeranews ayaa Mahadnaq balaadhan usoo jeediyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal imaan iyoTaliye Kuxigeenka Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Libaan Axmed (Fooxle)iyo Hogaanka Saadka Ciidanka Booliiska Somaliland Gashaanle Sare Maxamed Baruud oo ay ku Shegeen inuu qayb laxaad leh ka qaatey Soo deyntoodan, isagoo dhinaca kalena u Mahadnaqey Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jaamac oo uu ku Tilmaamey inuu si weyn isugu hawley soodeynta Xadhigoodan, isagoo markaasi Sacaadii la xidhay uu Cisbitaal ku jirey, islamarkaasina isaga oo xanuusanaya uu haddana siweyn uga shaqeeyey xadhigooda.
Dhinaca kale Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo kahawl Gagala Tvga Somaalinews ayaa isaguna Mahadnaq Balaadhan u soo jeediyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Imaan iyo dhamaan Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jamac(Xuuto)oo uu sheegay inay qayb laxaad leh ka qateen Soo deynta Xadhigoodan,
Wariyayaashan laga Xidhan Magaalada Abdaal ee Xarunta Degmada Mandheera e Gobolka saaxil ayaa Markii Xoriyadooda laga Qaadey ku gudo jirey howlo shaqo oo ay u tageen Degaankaasi, taasi oo keentay inay khalaq fahmaan Ciidanka Amaanka Degmada Mandheera kuwaasi oo markaasi Xabsiga dhigay labadan Wariye ee ka hawlgala Gobolka Saaxil