Published:

Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Shirkada Soo Saarta Sharaabka Nooyadiisa Kala Gadisan Ee SBI Ayaa Munaasibada Balaadhan oo ay ku Abaal Marinayso 39 Qof oo ku Guulaystay in Ay Nasiib u Heleen Abaal Marinaha ay Shirkadu ugu Talo Gashay Macaamiisheeda Ee Ka Kooban,Mobilada,Laabtoonada iyo Gaadhiga Xalay Xaflad ugu Qabatay Magaalada Hargaysa.

Munaasibada oo ahayd Mid Si Meeqaan Sare loo Soo agaasimay ayaa waxa goob joog ka ahaa maamulaha Shirkada SBI Mustafe Cismaan Geelle,Madax Suuqa Gaynta Shirkada,Masuuliyiin iyo Dhamaan Guulaystayaashii Madasha Lagu Soo Casuumay.

Tartanka oo ahaa Mid Shirkadu ku raali galinayso macaamiisheeda uguna tallo gashay in ay nasiibkooda soo tijaabiyaan,iyaga oo fariin ku soo diraya 944 Lanbarka ku qoran Furka Sharaabka Hoostiisa si ay uga qayb qataan Nasiibkooda,una Noqdaan guulaystayaasha.

Madaxa Suuq Gaynta Shirkada Sharaabka SBI Maxamed Naasir ayaa Sharaxaad ka Bixiyay waxa ay shirkadu ugu tallo gashay macaamiisheeda,waxaana uu ku dhiiri galiyay markasta oo ay Bulshadu soo diraan Fariinta in ay u dhawaan Doonaan Nasiibka Wayn Ee Gaadhiga,waxaana uu Hambalyeeyay Qofkasta oo isku dayay in uu tijaabiyo Nasiibkiisa.

“Anniga oo ku hadlaya Afka Shirkadda SBI,waxaan doonayaa inaan u Mahad Celiyo dadwaynaha ka qayb qaatay Barnaamijkan loo yaqaano Cab Fariin Dir Oo Guulayso,waxaana uu barnaamijkani soo socday muddo saddex bilood ah,shirkaduna waa shirkad soo saarta sharaabka Noocyadiisa kala duwan,taas oo ku soo saarta Shirkada wayn Magaceeda Ee Coca-Cola,shirkada SBI waxa ay u qaybsan tahay Laba Qaybood qaybta Shirkada iyo qaybta Qaybinta Sharaabka.

intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata Maxamed Naasir waxaana uu yidhi.”sababta aanu u bilawnay waxa ay tahay dadwaynaha sharaabka SBI Caba in ay ku raaxaystaan,isla markaasna ku helaan Jaa’isado ama abaal marino,hadaab dib ugu noqdo qofku waxa uu samaynayay caagada Sharaabka SBI ayaa Furka Lanbarka Hoostiisa ku qoran ayaa waxa uu ku dirayay Lanbarka Loo yaqaano 944 Kaas oo uu ku helayay Nasiibkiisa wixii u soo baxa,marka Danbena ka qayb Galayay Tartanka wayn.


Madaxa Suuq Gaynta Shirkada wayn Ee Sharaabka SBI Maxamed Naasir ayaa Sheegay intii uu Socday Tartankani Sheegay in sharaab Xadigiisu badan yahay La Cabay,Fariimo Gaadhaya hal Milyana ay Bulshadu soo diraan iyaga oo ku raaxaysanaya Sharaabka Qabow Ee SBI,iskuna Dayay in ay Tijaabiyaan Nasiibkooda.

“Bishii ugu danbaysay dadka fariimaha ay soo dirayaan waa ay laban-Laabmeen oo bilihii hore kuwo ka badana ayay noqdeen,hadaba anaga oo ka duulayna bulshada sharaabka cabtaa in ay helaan xiiso galin iyo shirkadu waxa ay ugu tallo gashay,markaas waxaan halka uga Mahad Naqayaa dadwaynahii ka qayb qaatay barnaamijkan ee isku dayay in ay nasiibkooda tijaabiyaan,waxaanan leeyahay caba sharaabka SBI Kana mid noqda kuwa Jaa’isadaha ku guulaysta.


Shirkada SBI Waxa ay Gaadhigii 1aad ee lagu guulaysto Munaasibad lagu shaacinayo u dhigtay Bishii November,halka ay bixiyeen Shirkadu ilaa konton Mobil,Laabtoono iyo Gaadhigii Koobaad,halka ay barbar socdeena in lagu guulaysanayay Koofiyadaha,Garamaanta iyo Koobabka SBI Oon Iyaguna Xadi Lahayn.

“Caawa Halkan waxa aynu iskugu Nimid in aynu abaal Marino 39 Qof Oo Guulaystay,waxaana ay ka kala yimaadeen Gobolada Dalka Sida,Hargaysa,Boorama,Burco,Wajaale,Gabiilay,Ceerigaabo Iyo Low-yacado,taasi markaas waxa ay ina Tusaysaa inuu qof waliba ka qayb qaatay Barnaamijka Fariin dir oo cab Sharaabka Qabow Ee SBI Meel walbana lagaga guulaystay.

Geesta kale waxa uu sheegay in Macamaashiisa Kala Gadisan ee ku sugan Somaliland iyo Puntland u rajeeyay in Ay Nasiib Wacan Helaa,iskuna Dayaan in ay tijaabiyaan Nasiibkooda,waxaana uu hambalyeeyay Dhamaan 39 Qof ee Guulaystay ee caawa lagu abaal Marin Doono Nasiibkooda,waxaana uu cadeeyay in Loo baahan yahay in Macaamiishu Markasta isku dayaan in ay Nasiibkooda Soo tijaabiyaan.


Macaamiisha Shirkada Sharaabka Ee Nasiibkooda Caawa Madasha Lagu Guddoon Siiyay ayaa Tiradoodu Dhamayd 39 Qof,Halka Sodon Ka Mid Ah Mobilo Lasiiyay,Shana Laabtoono,Halka Saddexna Lasiiyay Lacago Dhan Shan Boqol Oo Dollar mid Kasta iyo Kii u Danbeeyay oo lagu wareejiyay furaha gaadhiga.

Mustafe Cismaan Geelle Maamulaha Shirkada Sharaabka SBI ayaa Mid-mid u Guddoon Siiyay Abaal Marinta ay heleen dhamaan dadkii nasiibkooda soo tijaabiyay eek u guulaystay in maanta lagu abaal marinayo Mobilo,Laabtoono iyo Gaadhi,waxaana uu Dhamaan u rajeeyay in ay Nasiibkooda Halkaas kasiiwadaan,Qofkastana isku dayo inuu nasiibkiisa tijaabiyo isaga oo ku raaxaysanaya Sharaabka Qabow Ee SBI.

Dhamaan Guulaystayaashii oo Dareenkooda ka hadlay ayaa nasiibkooda ay Maanta madasha lagu abaal marinayo ku cabiray hadalo dareen leh oo ah in ay bulshada kale nasiibkooda soo cabiraan si ay uga mid noqdaan dadka ay SBI abaal mariso,Waxaana ay ku dhiiri galiyeen in markasta cabaan kuna raaxaystaan Sharaabka SBI Oo Guulaystaan.

News Related