Published:

Runtii qofkasta oo xil ummada u haya waxa lagu xasuusta muddada uu joogo waxa u qabsoomay iyo inta uu juhdi galiyey siduu uga miro dhalin lahaa Horumarka Dalkan Curdinka ah ee dhaqaalihiisu uu hooseeyo islmamarkaasna aan Taageero ballaadhan ka haysan beesha Caalamka,
Waxa aynu markasta u baahanahay in dakhliga yar ee ina soo gala in aynu u helno cid si fiican inoogu Xafida islamarkaasna u qorshaysa sida ugu habboon,
Waxa aynu wada ognahay in Marwo Zamzam wakhtigii ay xilka Wasaaradda Maaliyadda ay la wareegtay uu dhaqaalaha wadanka uu galay meel aad u hoosaysa taasi oo dhaqdhaqaaqa Ganacsi uu Guud ahaanba Hoos u dhacweyni ku yimid, taasina ay keentay in bulshadu walaacweyn ka qabtay  xaalada adag ee ay Zamzam la kulantay iyo sida ay isku waafajin doonto, waxa aynu ognahay in Zamzam iyadoo adeegsanaysa Waayo Aragnimadeeda iyo khibrada ay u leedahay Maamulka iyo Maaraynta ay markiiba awooda saartay dardar galinta Cashuuraha Barriga si ay kor ugu qaado Dakhliga , arintan oo dadbadan ka walaacsanaayeen wakhtiga Adag ee ay la Kulantay Marwo Zamzam iyo sida ay isku waafajin doonto,
Waxa hubaal ah haddii uu qofku daacadyahay Allahna isku xidho Xirfadiisana u hagar baxo in uu ka midho dhalin karo waxa uu hiigsanay,
Taasi ayeyna ku timid Qorshaha Miisaaniyada ee Mucjisida ah ee ay Wasiir Zamzam Horkeentay Golaha
Waxanan leenahay Waxay Mudantahay In Zamzam la guddoonsiiyo Billad-Sharaf
Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa Guusha ay Qaranka u soo kordhisay
Wabillaahi towfiiq
By Mustafa Sh Abibaker Hussen Togwajale Tell 4466752

News Related