waranHargeysa (GNO) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Duulista iyo Hawda Cisman Saxardiid Cadaani ayaa Dagaal gacan ka hadal ahi ku dhex maray Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhex maray labadan wasiir ayaa ahaa  mid ka dhashay ka dib markii wasiir Waran cade oo wada Qof bukaan ah uu dalbaday in loo furo qolka V.I.P si uu qofkaasi Bukaanka ahi  uu ugu sugo diyaarada inta ay ka diyaar garoobayso.

Balse Arintaasi ayaa waxaa ka biyo diiday isla markaana ku gacan saydhay Maamule ku-xigeenka madaarka  oo sheegay in Wasiirka Duulistu siiyey amar ah in aan la furi Karin Qolka V.I.P-da illaa Madaxweynaha mooyane, balse Wasiir Waracade ayaa ka biyo diiday hadalka kaga yimid Maamule ku-xigeenka waxanu Wasiirku dalbaday Ciidamada RRU-da kuwaasi oo xidhay Maamule ku-xigeenkii Madaarka.

Markii uu Wasiirka Duulista iyo hawadu maqlay arrinta ka dhacday madaarka ayaa Wasiirka oo Ordayaa Yimid Madarka Waxana markiiba isku dhaceen Cali Warancade iyaga oo gacan ka hadal feedh ahi uu dhex maray Labbada Wasiir,  markiiba waxa kala qabtay dadkii goobta joogay.

Wararku waxay  intaasi  ku darayaan in markii danbe Labba Wasiir loo garnaqay isla markana iska   raaligaliyey dagaalkii dhex maray.

Falka Noocan ayaa ah mid Ceeb ku ah haykalka dawladnimo isla markan ceeb ku ah qaranka Somaliland in Wasiiradii dalku iyagii hadh cad dagaalaman, waana mid ka Turjumaysa kaladanbeyn la’aanta iyo maamul xumada Xukumada Siilaanyo ku caan baxday.

ç

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here