Gabileynewsonline.com
Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleebaan ciise Xaglo Toosiye oo Maanta ka qaybgallay Munaasibad Lagu Gudoonsiinayay Agab caafimaad iyo Daawooyin Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagu Qabtay halkaasi.
December 19, 2015 - Written by admin

(GNO)Hargeysa:Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleebaan ciise Xaglo Toosiye oo Maanta ka qaybgallay Munaasibad Lagu Gudoonsiinayay Agab caafimaad iyo Daawooyin Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagu Qabtay halkaasi. xaglatoosiye

Deeqdan oo ka Koobnayd Daawooyin iyo Agab Caafimaad oo Dakhtarka qiime ugu Fadhiya ayaa Deeqdaasi waxaa ugu Deeqday Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden Munaasibaddaasi Gudoonsiinta Deeqdan Waxa kasoo Qayb gallay Madaxda Cusbitaalka Hargeysa Group Hospital qaar ka mid ahaa Dakhaatiirta Dakhtarka Hargeysa ka hawlgalla iyo Madaxda wasaaradda Caafimaadka qaar ka mid ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Xaglo toosiye oo Gudoonsiiyay Deeqdaasi ka Koobnayd Daawooyin iyo agab caafimaad oo ka hadlay Munaasibadaasi Gudoonsiinta ayaa sheegay inay Wasiiradda Maaliyadda ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden hadday noqoto Deeqaha iyo inay goor kasta iska Xil saarto Bahda Caafimaadka islamarkaasna maanta oo keliya ahayne ilaa markii ay Wasiirka Waxbarashadda ahayd inay Waxyaabo badan ilaa wakhtigaasi wax kala qabanaysay waxaanu sheegay Xaglo Toosiye inuu allaha unaxariistee Odaygii Samsam Cabdi aaden ee Geeriyooday uu ka mid ahaa Guddida Caafimaadka ee Cusbitaalka Guud .

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Xaglo toosiye ayaa u mahadnaqay Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Waxaanu sheegay inay Samsam Tahay qof Waxqabad badan oo Wasaaradda Caafimaadkana qiime weyn ugu fadhida la,aanteedna aanay halkan soo gaadheen sida uu sheegay Mr. Xaglo Toosiye.

Wasiirka Maaliyadda oo Sanadkan cusub ee bilaabmaya miisaaniyaddii Wasaaradda maaliyadda Lacag badan ugu Dartay Wasaaradda Caafimaadka Gaar ahaan Dakhtarkii Degmadda Togwajaale iyo Gabiley oo ilaa lacag gaadhaysa 10,000 $oo Doolar ayaa Noqonaysa Lacag Wanaagsan oo Baahiyaha caafimaad iyo mushaarooyin agab iyo daawooyin u Noqonaysa Cusbitaaladdaasi iyo Baahiyaha ka jirta .

COMMENTS
Latest News