Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye Ayaa Maanta Socdaal Hawleed ku Tegay Degmadda Togwajaale ee Gobolka Gabiley Gaar ahaan Cusbitaalka Degmadda Togwajaale .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Xaglo Toosiye oo ay kusoo Dhaweeyeen Degmaddaasi Togwajaale Gudoomiyaha Degmadda Togwajaale Mudane Cabdicasiis Saleebaan Gudoomiye kuxigeenka degmaddaasi Mudane Mursal markii ay Gaadheen Cusbitaalka Degmadda Togwajaale wuxuu Warbixin ka dhegeystay Gudoomiye Kuxgeenka degmadda Togwajaale oo Wasiirka ugu Mahadnaqay Gaadhi Anballance ah oo dhawaan ay Wasaaradda Caafimaadku Guddoonsiisay Cusbitaalkaasi ayaa Wasiirka kusoo dhaweeyay Gacmo Furan isagoo dhinaca kalena sheegay Inuu Cusbitaalkan yahay Waxqabadkii Xukuumadda si weyna loogu diirsadday .

intaasi ka Bacdi waxaa Halkaasi hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Degmadda Togwajaale Mudane Cabdicasiis Saleebaan Waxaanu sharaxaad ka bixiyay Qaybaha Cusbitaalkaasi inta ka hawl gasha Baahiyaha ka jirta ee shaqaale iyo waxyaabo loo baahanyahay oo ku taxaluqa sidii Cusbitaalkaasi u noqon lahaa Mid shaqeeya waxaanu u mahadnaqay Cabdicasiis Saleebaan Kormeerkan uu wasiirku ku Yimid Degmadda Togwajaale.

Ugu Denbeyn Waxaa Halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxaanu sheegay Wasiirku Mr Xaglo toosiye inay Qorshaha ugu Jirto Sanadkan Cusub Bisha January inay Shaqaale loo qori doono mushaharka ay xaqa u lahaayeenCusbitaalkaasi Degmadda Togwajaale Waxaanu sheegay inaanay Marna ka Caajisi Doonin Xukuumad ahaan sidii Cusbitaalkaasi Kor loogu qaadi lahaa hadday dhinaca Qalabka ka dhiman isagoo Geesta kalena sheegay inay Ambulaas u soo direen  u Mahadceliceliyay sida loogu soo dhaweeyay Degmadda Togwajaale .

Wariye Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here