(GNO)Xukuumada Xasan Sheekh Habka Ay U Wado Wada Hadalada Somaliland & Somalia Maaha Mid Midho Dhalaya” Cabdixakiim Fiqi oo ah
Wasiir Hore Uga Tirsanaa Dowladda Somaliya Oo Fagaare Ka Cadeeyey In Maamulka Xamar Aanay Dhab Ka Ahayn Wada-hadalka Ay Somaliland Kula Jireen Iyo Siraha Ku Duugna Sidaasna waxa uu ka sheegay madal ay iskugu yimaadeen dadweyne oo lagu taageerayey gabadh sheegtay inay u tartami doonto madaxweynenimada Somalia.
Cabdixakiim Fiqi oo wasiirka Gaashaandhiga ka soo noqday dawladihii kala dambeeyey ee Somalia ayaa soo jeediyey in si looga midho dhaliyo wada hadaladaasi loo gallo si dhab ah oo wax la isku ogo yahay balse kolba weji cusub aanu ka soo qaybgallin wada hadalada, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dawladda Somalia waxaan leeyahay waa in cumaamad iyo koofiyad madaxa ka saarta dadka walaalaheen ah ee reer Somaliland oo si dhab ah u wajahdo oo la soo celiyo dadkaasi, sababtoo ah habka imika loo wadda hab lagu gaadhi karo maaha midnimadda Somalia, shirarka Somaliland iyo Somalia loo qabto ee loo wada hadlaa hab uu ku sii socon karo maaha, dadka loo diraa waa wasiiro lixdii biloodba la bedelo oo cusub oo aan la socon qadiyadan iyo waxaan laga wada hadlayo iyo halka ay kuwii hore u taagnayd, anigu waxaan leeyahay haddii la rabo in qadiyadda Somaliland la rabo in si dhab ah loo gaadho waa in loo magacaabaa guddi heer qaran ah oo ay ka kooban yihiin rag iyo haween ruug cadaa ah oo la socda taariikhda Somaliya oo si dareen leh u wajaha arrintaasi, taas ayey ku iman karta Somaliland”.
iyaasigan ayaa ku talliyey in guddi heer qaran ah loo magacaabo wada hadaladda, isla markaana laga bedelo wasiiradan kolba la bedelayo ee kolba mid cusubi ka qaybgalayo wada hadaladda haddii la doonayo in wada hadal dhab ahi dhexmaro labadda dhinac.
Published: