Published:

Wefti ay Hogaaminayso Marwadda Koowaad ee JSL Marwo aamina sheekh maxamed jirde aamina waris kuna wehelinayaan Wasiiro oo saaka Gaadhay Magaaladda Burco.

aamina warisWeftigaasi oo ujeedadiisu ahayd u kuurgalka Xaaladaha Caafimaadka iyo Baahiyaha aasaasiga ee magaaladda Burco Gobolka Togdheer ayaa waxa sidoo kale ku wehelinayay Wasiiradda Caafimaadka Mudane saleebaan Ciise xaglo toosiye wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee somaliland Marwo shukri xariir ismaaciil ayaa Marwaddu soo dhaweyn Balaadhan kala Kulantay iyadoo soo Booqatay Cusbitaalka  Guud ee Burco uguna deeqday Qalab caafimaad oo ay ugu deeqday Cusbitaalkaasi .

 

Marwadda Qaranka oo Halkaasi ka jeedisay hadal Kooban ayaa ka mahadnaqday Soo dhaweyntaasi waxaanay sheegtay inaanay Fiicnayn in reer Burco Goor kasta Cawdaan Balse ay Wacantahay inay Ogaadaan Waxqabadka Xukuumaddu u qabatay Burco ee dhinac kasta hadday noqoto dhinac kasta  .

 

Waxa kaloo halkaasi ka hadlay wasiiradda Caafimaadka iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta waxaanay iska daba mareen Waxqabadka ay xukuumaddu u qabatay Burco waxaanay u mahadnaqeen dhamaan intii soo dhaweysay ee kala ah Madaxda gobolka Ururadda Haweenka madaxda Gobolkaasi iyo weliba Shacbiga Burco.

 

wixii kasoo kordha kala soco Gabileynewsonline.com

 

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland8

News Related