Hargeysa(GNO) Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay gebi ahaanba joojiyeen fiisayaashii ay bixin jireen, sida lagu baahiyey qoraal ka soo baxay. Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, ayaa joojinta Fiisayaashii ay bixin jirtay ku caddeysay qoraal war-gelin ah oo lagu dhajiyey Gidaarka Safaaradda ee Hargeysa, kaas oo u qornaa sidan, “Laga bilaabo 28 December, waxa la ogeysiinayaa dhammaan dadweynaha in la joojiyey bixintii fiisayaasha xafiiska Itoobiya, isla-markaana xilliga dib loo bilaabayo qoraal dambe loogu soo sheegi doono.”