Laga bilaabo 18-May 1991, la soo noqoshadii Madaxbanaanidii Somaliland ilaa iyo sanadkii 2001 madaxda Dalka waxa soo xuli jiray ergooyin qabiiladu soo dirteen oo shir wayne ay ku kulmaan ku dooran jiray madaxweyne, ku xugeenkiisa iyo labada Gole ee Sharci Dejinta. Sanadkii 2001, ansixintiin Distyoorka kadib wuxuu shacabka Somaliland heeryada u qaatey yagleelida nidaam dawladeed oo ku saleysan dimoqraadiyad tiiyo hogaanka Dalkana loo igmadey in ay hayaan xisbiyo siyaasadeed oo ku soo baxa codka shacabka. Bishii December 2002, ayaa markii u horaysay tan iyo 1969 shacabka Somaliland fursad u heleen in ay u dareeraan codbixin ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu codka badani noqon doonaan xisbiyo Qaran oo hogaanka dalka u tartama. Geediga lagaga guurayo hab beeleedka ee loo hayaamey nidaamka Xisbiyada tiiyo la filayey in ay dhaami doonaan beelo si toos ah u soo xusha hogaanka, waxa uu dad badan u ahaa guul wayn oo ay ku hamiyayeen.
Haddaba mar haddii Dalku qaatey nidaamka dimoqraadi ah oo tartanku furan yahay, waxa la is weydiinka maxaa keeney in tirade Xisbiyada la cayimo? Darsigii laga bartey Nidaamkii dimoqraadiyadeed ee lixdanaadkii (1960-1969) ayaa sabab u ahaa ciyimaada tirade Xisbiyada tiiyo laga cabsi qabo in ay bataan tirade ururada siyaasadeed, siina xoojiyaan qabyaalada laga guurayo isla markaana abuurmaan ururo salka ku haya jifooyin hoose oo tiradoodu xadhkaha goosato.
Jiritaan Xisbi waxa sal u ah wadaagista aragti ay wada leeyihiin xubanha ka wada tirsan xisbiga. Nasiib darooyinka ku habsadey Xisbiyada Somaliland waxa kow ka ah in dadka xisbi wada sheegtaa ayna laheyn aragti midaysan iyo feker wadaag, waxa xisbiga isugu yimi rag u ooman kursi iyo xukun, oo keli ah waxa isku keeney yahey caashaqa ay u qabaan inay Hogaanka dalka hantiyaan ama ay si haystaan. Jiritaan Xisbi waxa kale shardi u ah in Xisbigu leeyahey xubno aqoonsigooda leh iyo xafiisyo dalka oo dhan si joogta ah uga shaqeeya. Xafiisyada Xisbiyada maanta waxa keli ah oo la hawlgeliyaa marka Olole doorashooyin soo dhawaadaan. Wada lahaashe la’aanta Xisbigu waxa kale oo laga dhaxlaa in culeyska hawlaha xisbigu ku dhacaan qof keli ah, dabadeedna qofkaas aamino in uu isagu xisbiga gaar u leeyahey maadama uu muruq, maal iyo maskax badanba ku bixiyey. Xisbigiina wuxuu marka dambe isu bedelaa Shirkad Gaar loo leeyahey, qofka ugu saamiga badana yeesho awooda ugu badan. Teeda kale qabashada Shir-Weyne Xisbi waxa mar kasta ka dhasha muran iyo is qab-qabsi maadaama aan la heyn tirada rasmiga ah ee xubnaha Xisbiga iyo cida awooda u leh xulista ergooyinka Shir- Weynaha ka qeyb gelaaaya, waxaana dhacda in hogaanka markaas Xisbiga hayaa qaban qaabada Shir-Weynaha awood badan ku yeesho, cidi u doonana ka dhigto ergo. Nasiib darooyinka waxa kale oo ka mid ah in 15 sanno kadib bilowgii nidaamka Xisbiyada, qabiilkii la rajeynayey in xisbayadu dabar iyo daawo u noqdaan uu awood batey, tiiyo uu xisbiyadiina afduub ku qabsadey. Dhaqan siyaasadeedkii, barnaamijkii iyo wax wal oo xisbiyadii fulinayaan waxa udub dhexaad u noqdey qabiil. Dhanka kale, dhibaatooyinka aynu kor kusoo xusney ee Xisbiyada heysta wax u sii dheer sharcigii hagi lahaa ee marka khilaaf yimaado loo noqon lahaa oo ah “Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada, Xeer. 14/2001” in fahamkiisa iyo ku dhaqankiisuba adag yahey marka la eego qaabka loo qorey.
Dhibaatooyinka Xisbiyada Somaliland heystaa ee ah Aragti la’aan, Jiritaan la’aan, Keligii talisnimo iyo lahaansho waxa keli ah ee xakameyn karaa waa sharci iyo nidaam xubnaha xisbiyadu ku kala bixi karaan. Inta u jiro maqnaanshaha nidaam, shuruuc, habraacyo iyo dhaqan lagu xalin karo khilaafaadka Xisbiyada wuu sii socon doonaa is qab-qabsiga haatan jira maadaama aanan la heyn xabagtii isku heyn laheyd dadka xisbi wadaagga.