Xasuuqii ka dhacay dalka djibouti oo aan helney qaar kamid ah sawiradii dadkii lagu diley degmada balbala ee dalka djibouti oo caruur badani ku jirtey.sargaal sare oo ka tirsan macaaradka jabuuti oo na soo gaadhsiiyey sawiradan naxdinta leh.
Hadaawan haddii aad calool jilicsantahay sawirkan gadadh yar oo kamid ah caruurtii ku nafweydey xasuuqii ay geysteen ciidamada dalka jabuuti ee ay ku dileen degmada balbala qaar kamid ah caruurtaas markii ay weerareen ciidamada taliska ismail omar guelleh meeshaas.
Sargaal sare oo reer jabuuti oo magaciisa la yidhaahdo mohamed ahmed abdillahi (boss) oo jooga dalka belgium ayaan noo soo gudbiyey sawirkan naxdinta leh ee ka muuqda halkan oo ay si waxashnimo ah ay u dileen ciidamada u adeega taliska ina geele ,
Hadabasida uu sheegay mr: mohamed boss isaga oo aad uga xun sida foosha xunleh ee loo leynaayo caruurta reer jabuuti ayaa wuxuu noo sheegay in la laayey caruur aad u farabadan oo gaadhaaya ilaa iyo 10 toban caruur ah taasi oo ah xasuuq aan loo kala aabayeelin oo xabada lagu furey umadii meesha utimid muwliidka ama siyaarada sheekh yoonis muuse.
Wuxuu intaasi ku daray mohamed boss waxaan la tiigsaneynaa ina geele maxakamadaha caalamiga ah isaga iyo inta la fulisay xasuuqa lloo geystey caruurta iyo shacabkaba taasoo tiradoodu sare u dhaaftey ilaa 200 boqol oo qof oo ah dhimasho,dhaawacuna uu kabadan yahay inataasi sida uu noo sheegay mohamed boss.
Xafiiska macaaradka jabuuti ee brussels.
Sargaal sare mohamed ahmed abdillahi (boss)