Published:

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa(Waaheen)  Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inuu raali ku yahay in lagula tartamo kursiga uu ku fadhiyo. Waxa uu sidoo kale dhalliilay xukumadda Siilaanyo oo uu tilmaamay dhibaatooyin dalka ka jira aanay waxba ka qaban.

Mudane Axmed Muumin Seed, wuxuu sidoo kale ka hadlay macdan qodis xukumaddu ka wado gobolka Awdal, taasi oo uu sheegay in dadka degaanka oo arrintaasi ka cawday loo baahan yahay in xukumaddu dhegaysato cabashadooda waxna laga qabto dhibta ay ka cabanayaan.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu bulshada la hadlo islamarkaana wax ka qabto sixir bararka iyo dhibaatooyin kale oo bulshada ka dhex jira.

Waxaanu yidhi. “Xukumada Madaxweyne Siilaanyo hogaamintii dalka way ku fashilantay, isku socodkii Xuduudad Somaliland la lahayd wadamada jaarka Culus baddanbaa jira, laakiin Xukumadu warba uma hayso, Maamuladii Gobolada iyo Masuuliyintii kale way is wada haystana, waxad ogeydeen in Ceerigaabo uu Wasiirka Hawlaha Guud tagay oo agaasime loo xidhay Wasiirkaad soo dhaweyn wayday, laakiin waxaas oo dhan  Madaxweynuhu  ma oga, waxa kale oo jirta in Maceeshadii iyo Dollarkiiba cirka tageen oo sixir barar uu dhacay oo dan yartii oo dhami ay bakhtiyeyso, waxaasi oo dhami xukumadu warba uma hayso Masuul walba halku jooogo ayuu isku cajabiyey”Ayuu yidhi   Axmed Muumin Seed.

News Related