Published:

Xafiiska Afhayeenku waxa uu kamid yahay Qaab Dhismeedka Aqalka Madaxtooyada ee Asal ahaan inaga soo galay Xagaa iyo Reer Galbeedka Balse aan la hayn Shaqo joogto ah iyo Awood Sharci midna balse Mararka Qaar Madaxwaynuhu Yidhaa Waxaa Dadka u sheeg ama Hebal Ujawaab inta badan marka la Abla ablaynayo Adeegsiga Xilkan waxa la adeegsan jiray ama uu soo baxay Xiligii Dunida reer Galbeed ku jirtay Dawlad xumada iyo Madax Xumada Sida aan maanta nahay oo kale Sida Dadka oo been loo sheego ama la iskaga horkeeno Borobogaando Tusaale ahaan waxa la isticmaali jiray ama maantaba loo isticmaalaa Marka Qofka Madaxii Dadka u sheegayo War aan la hubin oo laga Shaki qabo Inay Aqbasho Cida loo Dirayaa ama Qof uu weeraraayo aan la hubin waxaa lagu weerarayo Si hadii ay wax kasoo noqdaan uu Qofkaa Madaxdii ugu Tilmaamo Arin aanay Waxba ka jirin Ka Masuul ahaana aan afkiisa laga hayn.

Xageena marka aad eegto Xafiiskani waa jiray intii aan Dawlada ahayn Balse umuu waynayn Sida hada loo wayneeyay Dad badan oo Reer Soamliland ahi may aqoon Xil ahaan iyo Qof ahaan toona Balse intii ay jirtay Xukuumadan Siilaanyo wuxuu ka Mid yahay Xilalka la Naaxnaxshay Sobonta Naax naaxintaa keentayna waa laba sababood ta hore Xil bararka Dhacay ee Hebalkii Hadlaba ama meel loo waayaba Xil loo radinaayo Taasoo Dawo looga Dhigaayo Qaylada Dadka kasoo yeedhaysa Shacabka Nolol xumada iyo Dawlad Xumadu iskugu biirtay, ta labaadna waa Qabyaalada oo kor u kacday Xaga Dawlada isla markaana Shacabkii Saamaysay oo markii Qof ama Xisbi Baylah jirta ama khalad dhacay ka hadlaba ay miciin Bideen inay Yidhaahdaan Idinkaa isku Qabiilee Hebalow ama ay soo abaabulaan Kuwo waji ku macaasha oo iyagna caan noqday intii Xukuumada Siilaanyo Talada haysay kadib markii ay waayeen Dood dhaba  ama Awood Sharci oo khusaysa Eedaas ilayn Wax walba Xagooduu ka dumee.

Bal ila eega Xukuumadan Xukuumadihii ka horeeyay Maxwaynayashii Hogaaminayay waxay lahaa yeen afhayeeno Tana waa leedahay ee kuwee baad aad u taqaaneen ama aad in badan maqasheen Waakuwan Magac yadooduye:

Marxuum Cigaal: Marxuum Cabdi Idir ducaale

Rayaale: Siciid Cadaani Mooge

Siilaanyo :  Cukuse Dhuxul iyo Iyo Xuseen Dayr oo hada ah

Wax yaabaha ugu badan ee Afhayeenada Siilaanyo ina baray miyayna ahayn Ujawaabida Qofkasta oo ay isku hayb yihiin iyo kala Socoshada Madaxtooyada.

Waxa intaa dheer  Inamada kasoo jeeda Gabilay ee iskaga dambeeyay Xafiiskan oo aad usii jecel u jawaabida Dadka gaar ahaan inta ay isku Degmada ama haybta yihiin hadaa ogaydeen Dhuxul oo Maagaya Xildhibaano  ama Dad waawayn waxa hada meeshii yimid Dayr oo Dariiq Dheer usoo maray Xilkan uu hayo Jidkaa waxa kamida marka hore Qurbaha ayuu ka yimid si uu Xil uga helo Xukuumadan ay kala Dhaqaaqeen intii Dalka joogtay ee Xogogaalka u ahayd iyo Jid siyaasadeed oo Wajiyo Badan Tusaale ahaan Markii Samaale Wasiirka Maaliyada ahaa wuxuu ahaa Rukumada Samaale Dabadiina waakan qaatay Xilkan Xili ay kala Dhaqaaqeen Samaale iyo Xukuumadii kulmiye.

Siilaanyo iyo Kulmiye iyagaa Xisbi ahaana Qabyaalad ku Ololeeyay Xukuumad ahaana Qabyaalad ku shaqeeyay oo lagu Xasuusan doonaa:

Qabyalad Qaawan oo Wasiirada iyo Shacabku ku kala sareeyaan

Qayb sanaan kala Qoqobtay Shacabkii iyo Goboladii

Aragti Xumada Siyaasada iyo Jiho la aanta

Laasashada Danta Guud iyo Dhulkii Dawlada

Abuurista Tijaar Shalay Caydh ahaa oo Xoolihii umada boobay

Abaabulka  Dad Waji ku macaasha oo mararka qaar loo abaabulo hab Qabiilaysan

Ku tumashada Shuruucda iyo Xeerarka Dalka

Qadiyadii Gooni isku Taaga oo ay Siisteen Doolar

Been shacabka iyo aduunyadaba loo sheego maalin la kordhin maayo mee.

maskaxdii wacnayd iyo dadkii meel u wada jeeday

nimankii melmelay waa kuwii maalay kelidoode

Haday maalintii na hor kacaan midho ma weyneene

ma naxaanadii baan arliga meerisna u toline

marnaba yaydinaan dhicin kuwii male ku soo goostay

Miyigeena nimankii mindida meel walba u dhiibay

kuwii muusanoow iyo tolaay nagula meeraystay.

Bido intaanad bido odhan ayay Bido ku tidhaa Kulmiye iyo Xukuumadisu Dadka iyo Xisbiyada  ma sidooda ayay moodayaan mise waxay moodayaan inaan la ogayn Ceebahooda Xaga Qabyaalada Xisbiyada iyagaa Hormuud u ah Dhisme ahaan iyo Shaqo ahaan Horaysiyo Dambaysaba Tusaale ahaan Xisbiga Kulmiye Hogaankiisa 3 ugu sareeyaa waa beesha dhexe halka Wadani Sadexda ugu sareeyaa ay uqayb san yihiin Somaliland taasi waa dhisme ahaan Xukuumadiisana waaba ogtihiin mise.

Sidoo kale markii Siilaanyo Mucaaradka ahaa Beesha uu kasoo jeedaa Waxay wada ahayd Kulmiye Xaataa waxa is casilay kuwii Dawlada kaga jiray kadib markii ay ka Adkaysan waayeem Baroortii Qabyaaladeed Ee kulmiye iyo Siilaanyo maantana Muuse halkii ayuu socdaa waa Ninka Abaabulaaya Dadka odhanaaya Wadani Cod ka heli maayo Gabilay Aragti ahana qaba isagoo Dadkaa u galinaya Hab qabiil

Maanta waxa la ogyahay Xisbiga Kulmiye Ma hayo Barnaamij Xaataa iyagoo doortay Murashixiintii Kulmiye iyo Hogaankiisu Waakuwa Fadqalalada ka dhex wada Ucid ee Raba inay ka Taqalusaan Jamaal isagoo ka duulaya Hab Qabiil

 nimankii mashaqaday dhigeen reerba dhan u moosay

suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey.

Muraadkoodu nimankuu ahaa moodharka (Motor) iyo daarta

mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaar saaray.

Waa Tuducyo kamida Dhaxalkii Marxuum Cabdilaahi Suldaan Timo-cade

Ugu dambayn waxan kusoo meerayaa Xisbiga Waddani maaha Mid ku shaqeeya Caadifad maaha mid ku shaqeeya qabyaalad Ficiladiisu maaha ku jiqsii iyo ku Xumee waxa uu u taagan yahay Dhaymaha Bulshada Kulmiye kala dilay waxa uu u taagan yihiin Dib yumidaynta Shacabka uma kala soocno Degmooyinka iyo Gobalada Dalku Waxanad ogtihiin Hadii alla idmo in maanta Hawadiisu taagan tahay Dalkuna isbadal ubaahan yahay marna ku Horjoogsan maysaan Xajiimayn iyo Dheeleecayn ku saabsan Wixii kulmiye Soo sameeyay hadana ku shaqeeyo .

Qalinkii Maxamed Abiib yuusuf

Bulaawecade98@hotmail.Com

News Related