Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Abwaan Cali Sugulle uu ahaa Abwaan ay soo wada koreen isla markaana ay taariikho dheer wadaageen
Hargeysa(GNO) Alle ha u naxariistee Waxa Magaaladda Dubia Cisbitaal ku yaalla ku geeriyooday Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) ooo ah mid ka mid ah Rukunadii Bahda Fanka iyo Suuganta.
Dhanka kale “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jam. Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Bahda Fanka iyo Suugaanta, Eheladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaaladda Dubai shalay oo ay taariikhud tahay 11/01/201 Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Abwaan Cali Sugulle uu ahaa Abwaan ay soo wada koreen isla markaana ay taariikho dheer wadaageen, ahaana nin taariikh weyn ku lahaa guud ahaan Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, Madaxweynuhu waxa kale oo uu Abwaan Cali Sugulle ku tilmaamay inuu ahaa tiir dhexaad ka baxay fanka iyo suugaanta, taariikh ma guurto ahna uu ku lahaa Qaranka Somaliland iyo shacbigaba. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Bahda fanka iyo Suugaanta, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNXuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.