Washington(GNO)janaury-22-2016-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale ka dhawaajiyey in murashaxnimada xisbiga UCID ay ku shuqul leeyihiin xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga, waxaana uu sidoo kale sheegay inaanu jirin haba yaraatee wax khilaaf ah ama heshiis ah oo ku saabsan murashaxnimada Xisbiga.
Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyey idaacadda VOA laanteeda afka soomaaliga ayaa mar wax laga waydiiyey cida xisbiga UCID uga qaybgalaysa tartanka doorashooyinka madaxtinimo waxa uu ku jawaabay sidan:
“Kolay anigu shakhsi Ayaan ahay arrintaasi waxay u taalla golaha dhexe ee xisbiga Insha allahu tacaala sanadkan dhexdiisa ayaanu qaban doona shirkii golaha dhexe markaa arrintan murashaxnimaduna isag ayaya u taala waxay ka yeelayaan laakiin maanta waxaa naga go’an in Xisbigu ay markiisii tahay oo labada xisbi ee kaleba way soo taliyeen midna sharci dajina ayuu maamulay midna fulinta markaa waxaa naga go’an inuu doorashadan xisbigu qaato”. Guddoomiyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi:
“Aniga miyaad mar qudha iga maqashay khilaafbaa taagan miyaad mar qudha iga maqashay heshiisbaa dhacay, urur kasta waxa jira aragtiyo kala duwan oo laga doodoo laakiin khilaaf ma jire warbaahinta ayuunbaa buun-buunisay iyo xisbiyada kale oo doonaya inay socod xumaan nagu ridaan” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.