Berbera waa magaalo il dhaqaaleed ah, oo uu kasoo baxo dhakhliga Somaliland intiisa badani, waa goob caggaaran oo leh Deked iyo Kastam Cashuureed. Sidoo kale, waa magaalo hodonku ah, xagga wax soo saarka iyo dallaga Beeraha. Intaa ka sekow Berberi waa magaalo xeebed oo dadku intiisa badan waxa ay ka shaqeeyen gudaha magaalada, qaar waa xamaalin. Sidoo kale, waa magaalo ay haysto dhibaato weyn oo ah, berberi madaxdeedu intaa badan ma deggaana oo waxa ay usoo galab caraaban magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Degmada Sheekh iyo weliba mid-mid iska degga deegaanada dhexe. Waxanaad gudaha magaalada ku arkeysa iyadoo inta badan laga galab caraabay, Berberi maha magaalo uu dhismaheedu koraayo sidaa magaalooyinka kale, ma arkeysid goobo faro badan oo ay ka socdaan dhismayaasha casriga ah iyo kuwa kale. Marka aad gudaha uu gasho Berbera waxaad arkeysaa Dhismayaal qadiimi ah oo uu ka muuqdo Burbur iyo dayac, marka laga reebo goobaha ganacsiga iyo dhismaha Dekedda iyo weliba dhisme loo dhisay Dawlada hoose ee Berbera.
Intaas ka sekow, dadka magaalada degaani maha kuwo xor ah intooda badani, mana cabiraan fikirkooda iyo Siyaasadeeda mana soo bandhigi karaan fikirkooda iyo xuquuqda xoriyatul qawlka ee dastuurku damaanada ku siiyey. Sidoo kalena waa magaalo dagaal ka dhexeeyo madaxdeeda, sida maayirka(Cidin)iyo Maareeyaha Dekedda(xoor-xoor) . oo intaa badan ku loollama dhaqaalaha ummadda ee kasoo baxa magaaladda, waa magaalo madaxdeedu toos ugu xidhan yihiin Qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaaxtooyadda. Waxanaad arkeysaa ficillo ay sameeyan labada garab ee loollanka gacanku riminta ahii ka dhexeeyo ee Midigta foog iyo Bidix dhexe, waxyaabaha cajiibka ah ee gummeysigu uu muuqda waxa kamid ah, dadkii magaaladda joogay oo Caloosha laga gumeystay, iyadoo lagu odhannaayo hebelkaasi Maareeyaha Dekedda (Xoor-xoor) ayuu ku xidhan yahay, hebelkaasina waxa uu ku xidhan yahay Maayirka (Ciddin). Sidoo kale, tallaabooyinka iyo hirdanka labadan masuul kuma eka Berbera oo keliya hase-yeeshe waxa ay saameyn qoto dheer ku leeyihiin magaalooyinka kale, oo ay la kala saffaan yihiin hadday madax tahay iyo hadday minjo tahayba, waxanaad arkaysaa hadii masuul cusub magaalada yimaado midba mar ayuu casuumad uu sameynayaa.
Haddaba, maxa ka dhexeeya labadan masuul ee ku kalifay ficilka iyo dagaalka siyaasadeed ee raggaadiyey magaaladda ee weliba saameynta ku yeeshay shacabkii magaaladda joogay, waa su’aal jawaabteedu kugu dheeraaneyso, hase-yeeshee, way fududey, runtiina waxa ay tahay labadan masuul midkastaaba waxa uu iska dhaadhicinaya Dhegta Madaxtooyadda isagoo doonayo inuu war wanaagsan looga geeyo. Haddana labadan masuul maha kuwo isku shaqo ah, maxa yeelay midkoodna waxa uu maamulo Dekedda (Xoor-xoor) waxana magacaaba Madaxweyneha, dakhligeeduna waxa uu toos ugu dhaca madaxtooyadda kolba cidda maamusha, isagoon aan hoos tagin ama aan ku jirin dakhliga qaranka ee laga ansixiyo golaha sharci dejenta. Halka ka labaadna uu yahay mid usoo doortay shacabka somaliland kuna yimaada Cod dadweyne iyo cod gole deegaan.
Maxaa luray labadan masuul, waa jahli iyo isku kalsoonaan la’aan haysta oo dhaqankeeduna yahay xaaran iyo inuu mid walba ku tagri fallo dhaqaalaha ummadda iyo amaanada qaranku leeyahay, iyagoo mid kastaaba dhakhliga soo galo Hay’adda uu joogo kala badh laaluush iyo iska dhaadhicin ku bixiyaan. Arrinkaasoo tilmaamaya masuuliyadda daro iyo aqoon la’aan hasytaa, waxanay uu haystaan marka ay ficiladda noocan ah sameynayaan in Bini-aadam wax uu hayo oo waxa ay ilaabeen tii alle.
Maxa la gudboon madaxtooyada ama golaha deegaanka. Waxa madaxweyne Siilaanyo isaga la gudboon inuu shaqadda dekedda geeyo qof daacad ah oo u shaqeeya Qaranka, kaasoo ka fog Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin sido kale, golaha deegaanka Berbera waxa iyagana la gudboon inay shaqada keenaan ama hogaanka dhigtaan qof daacad ah oo aan cid kale isku dheererin oo madaxbanaan maadaama oo uu yahay u shaqaeeyeha arrimaha Bulshada, la soco…
W/Q
Cabdicasiis Bashiir Nuur
Emeil: C.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland