Berbera: Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Dhagax Dhigay Warshad Qaliinka Xoolaha,
January 21, 2016 - Written by admin
Hargeysa(GNO) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland iyo Safiirka Somaliland Imaaradka u fadhiya ayaa shalay si wada jir ah u Dhagax dhismaha Warshada Qaliinka xoolaha oo laga hirgalinayo Magaalada Berbera. Mashruucan ayaa dawlada Imaaradku ka caawinayso Somaliland. Maayirka Degmada Berbera Cabdishakur Cidin oo ka hadlay xafladii lagu dhagax dhigayey warshada cusub ayaa tilmaamay in dadka reer berbera ay faa’ido weyn u leedahay warshadaasi isla markana ay shaqo abuur ka helayaan. Safiirka Somaliland ee Imaaradka Baashe Cawil oo ka hadlay munaasibadaasi lagu dhagax dhigayey warshadaasi ayaa tilmaamay in reer berbera ay ka faa’ideysan doonan mashariicda tirade baddan ee gobolkan laga hirgalinayo. Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cumar Sheekh Maxamed oo ka hadlay xafladaasi ayaa warshadaasi ku tilmaamay horumar gobolka ku soo biiray.