Gabileynewsonline.com
Boogaadinta, soo dhoweynta, saadaasha sannadka cusub 2016 iyo Xasuusta sannadka tagey By Dalaa guud ee SSEt
January 1, 2016 - Written by admin

Taariikh: 31/12/2015.
Tixraac: SSE/Fr- 0023/15
Boogaadinta, soo dhoweynta, saadaasha sannadka cusub 2016 iyo Xasuusta sannadka tagey
Ugu horreyn Dalladu waxay idiin soo gudbineysaa hambalyada sannadka cusub. Ilaahay ayaynu ka rajaynaynaa inuu wakhtigaa, wakhtigiisa inagu wada gaadhsiiyo caafimaad taam ah iyo cibaado toosan(Aamiin). Dallada kulmisa ururada iyo bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) ayaa idinla wadaageysa xasuusta sannadka laga gudbayo ee 2015 iyo sannadka inagu soo fool leh ee 2016. Sannad walba dhammaadkiisa dallada SSE waxay si dareen ku jiro idinla wadaagtaa dhacdooyinka togan iyo kuwa taban ee sannadka la soo dhaafay iyo hiigsiga sannadka fooda inagu soo haya.
Dhacdooyinka togan ee madhaafaanka ah ee sannadkii 2015kii waxaa ka mid ah:

Guud ahaan waa Ilaahay mahadii in sannadka 2015 uu inoogu bilowdey nabad iyo xasilooni isla markaana uu inoogu dhammaaday jawi xasiloon. Haddii aynu dhinacyada togan wax ka eegno wuxuu ahaa sannad ay sidii caadiga aheyd kumanaan ardey ahi ka soo qalin jabiyeen dugsiyadda iyo Jaamacadaha waddanka. Wuxuu ahaa sannad taagta ay noqotaba la hirgeliyay mashaariic horumarineed oo isugu jirey waddooyin iyo dhismayaal.
Sannadka 2015ka haddii aynu eegno dhinaca siyaasadda wuxuu ahaa sannad la soo afjaray khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta xukuumadda iyo Golaha Waiilada, kaasoo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka iyo weliba khilaafkii u dhaxeeyay Golaha wakiiladda iyo Xukuumadda.
Sannadka 2015 waxa taariikhda gashay markii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu qaatay goaan uu ku cadeeyay in aanau mardambe isu-soo taageyn Doorashada Madaxweynanimada Somaliland, taasoo dhif iyo nadir ah inuu Sameeyo Madaxweyne ka soo jeeda Qaarada Afrika oo guud ahaan lagu xanto xukun jeclaysi iyo weliba keli talsinimo.
Xisbul xaakimka Somaliland oo khilaaf siyaasi ah uu soo marey ayaa iyaguna ugu dambeystii qabsadey shirweynihii Xisbiga isla markaana doortey hoggaanka iyo musharixiinta Xisbiga.

Dallada SSE waxa kale oo ay tallaabo togan u aragtaa in korodh ku yimaado miisaaniyda waddanka marka loo eego sannadihii ka horreeyay, taasoo miisaaniyadan u dambeysay ay qiyaashaha ku dhowdahay £300 milyan oo doolar. Waa arrin muhimadeeda leh oo ididiilo iyo rajo gelinaysa in dhaqaalaha waddanku kobco isla markaana karaamo iyo qiimo u yeelaysa jiritaanka uu waddanku leeyahay.

Ugu dambeyn waxa tallaabo wax-ku-ool in bisha Diisambar 2015ka ay Xukuumadda Somaliland soo saarto go’aamo la xidhiidha adkeynta amniga iyo nabadgelyada, gaar ahaana ilaalinta Xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba). Dallada SSE waxay arrinka u aragtaa mid sugaya oo adkeynaya Qaranimada iyo Dal ahaanshaha Somaliland, maadaama dhinaca isu-socodka waddamada aynu jaarka nahay uu ahaa mid aan aad u sugneyn.

Dhacdooyinka taban ee sannadkii 2015(ka) waxa lagu xasuusan doonaa qoddobada hoos ku xusan:

Dhacdooyinka taban ee sannadka 2015 waxa lagu xasuusan doonaa khilaafkii ba’anaa ee soo kala dhex galey Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka, kaasoo salka ku hayay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinta wakhtiga xukuumadda iyo Golaha Wakiilada. Khilaafkaas oo markii u dambe u gudbey dhinaca Golaha Guurtida ayaa waxa lagu soo afjarey go’aankii ay soo saartey Maxkamadda sare oo taageeray go’aankii ay hore u gaadheen Golaha Guurtidu oo ah inay doorashooyinku qabsoomaan bisha Maarso 2017, wakhtiga Madaxweynaha iyo ta Golaha Wakiiladana ka dhigey bisha Abriil ee sannadka 2017.

Waxa kale oo ay Dalladu dhacdo taban u aragtaa khilaafkii adkaa ee dhex marey Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda kaasoo sababtiisu ka bilaabantahay Haamaha Shiidaalka Berbera. Khilaafkani wuxuu keenay in Shir-guddoonkii Golaha Wakiiladu gaar ahaana guddoomiyihii iyo ku xigeenkiisii ay gacanta iskula tagaan isla markaana Golihii buuq iyo sawaxan ka dhasho. Ugu dambeyntii Golaha Wakiiladu caadi ayuu ku soo noqdey. Khilaafkii isaguna soo kala dhexgaley Xisbiga Kulmiye ayaa ahaa mid xasuustiisa leh taasoo Wasiiro ay xilkoodii kaga tageen. Shirweynihii Xisbiga ee bishii November ayaa ku soo afjarmey doorashada hoggaan cusub iyo Musharixiinta Xisbiga.

Dallada SSE waxay arrin taban u aragtaa sicir barar soo foodsaarey sannadkan kaasoo saameeyay nolosha in badan oo ka mid dan yarta Somaliland. Heerka sarifka doolarka marka loo eego lacagta Somaliland ayaa gaadhey halkii u sarreysay tan iyo wakhtigii dhidibada loo taagey Jamahuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa arrinkan loo magacaabay inay talooyin ka soo bixiyaan.

Sannadka 2015ka waxa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa sannad qaar ka mid Salaadiinta Somaliland ay saaxada Siyaasada Somaliland aad ugu milmaan iyagoo adeegsanaya nidaamada beelaysan iyo luuqada reeraysan. Markii dambe qaar ka mid ah salaadiinta ayaaba si cad u sheegay inay yidhaahdaan waxa aanu ka qayb qaadanaynaa wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Dallada SSE waxay dhagar iyo khimaayo u aragtaa in Dowladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ayna ka soo bixin dhammaan waxyaabihii lagu heshiiyay intii ay socdeen wada’ hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.Waa waxyaabaha taban ee si cad u soo shaac baxay sannadka 2015ka maadaama wada’hadalkii bilaabmay sannadkii 2012ka ay Soomaaliya keentay jawi aanay wada haddaladaasi ku sii socon isla markaana Somaliland aanay uga soo bixin waxyaabihii ay ka rajaynaysay inay uga soo baxan Qaranka Somaliland.

Saadaasha sannadka 2016:

Sannadka fooda inagu soo haya ee 2016 ayaa waxaynu ugu horreyn Ilaahay ka baryaynaa inuu inooga dhigo mid wanaag, horumar iyo barwaaqo inoo horseeda(Aamiin).

U hawl galka doorashooyinka qamsoomaya haddii Ilaahay yidhaa bisha Maarso sannadka 2017 ayaanu rajaynayaa si ay wakhtigooda u qabsoomaan in la fuliyo dhammaan waxyaabah qabyada inaga ah ee ay u horreyso diiwaangelintu. Doorashooyinku waa waajibaad culus oo loo baahnayahay in Golayaasha Xukuumadda, Xisbiyada iyo Guddiga Doorashooyinku ay sida wada jir ah u wada shaqeeyan sannadka 2016ka.

Dallada SSE waxay rajaynaysaa in dhiig cusub iyo dardar hor leh la geliyo sidii istaraatajiyad iyo hawl-galka cusub loo gelin lahaa ka midho dhalinta qaddiyada Somaliland iyo sidii beesha caalamka aqoonsi looga heli lahaa. Wasiirka cusub ee sannadka 2015 dabayaaqadiisa loo magacaabahy Wasaatada Arrimaha Dibeda oo bilow fiican ku bilaabay markii uu shir u qabtey wakiilada Somaliland ee waddamada dibeda ayaanu ka rajaynaynaa inuu ka faa’iideysto wixii fursado cusub ah ee arrinka qaddiyada sahlaya. Sannadka 2016ka waxa aanu rajaynaynaa in shaqo badan la geliyo xoojinta la shaqeynta saaxiibada ay Somaliland ku lahayd waddamada dibada iyo weliba in la xoojiyo xidhiidhka iyo wada-shaqeynta Wakiiladda Somaliland ee dibada, ururada ama jaaliyadaha qurbo jooga, Hay’ada Qurbo-Jooga oo hoos timaada Wasaarada Arrimaha dibeda ee Somaliland.

Gebo-gebo
Gebogebo ahaan Dallada SSE waxay idin xasuusinaysaa in Ilaahay inagu galadeystay waddan mustaqbal badan leh oo wax badani u soo kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa. Sidoo kale wuxuu Ilaahay ina siiyay dal aynu maanta masiirkiisa gacanta ku haysano oo aynu ku haysano xorriyad buuxda oo ah wax qaaliya.
Xorriyadan iyo nimcadan Ilaahay ina siiyay waxaynu ku ilaalin karnaa caddaalad iyo garsoor ku salaysan eex laaan iyo sinaan iyadoo weliba loo naxariisanayo bulshada inta taagta daran.Sannadka cusub ee 2016ka Dallada SSE waxay guud ahaan u rajaynaysaa mar labaad reer Somaliland inay ku sugnaadaan isku duubnida iyo wada jirka loo baahanyahay.

Allahayaa mahad leh. Guddiga fulinta ee Dallada SSE

COMMENTS
Latest News